ABDIQASIM SALAD A TRUE PATRIOT

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

ABDIQASIM SALAD A TRUE PATRIOT

Post by fagash_killer »

Dr.C/Qaasim “Qorigeyga waa ii diyaar, waxaana ka qeyb qaadanayaa jihaadka dalka looga xoreynayo Tigreega caqabada ku ah qaranimada Soomaaliyeed”

Madaxweynihii hore ee dowladdii TNG-da Carta Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay iney waajib muqadas ah tahay in dalka laga saaro ciidamada Itoobiya ee qabsaday qeybo ka tirsan gudaha Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey maamulka Melles Zenawi inuu weli ku howlan yahay qorsheyaashoodii la xiriiray ineysan Soomaaliya ka hana qaadin dowlad awood leh oo dalka oo dhan gacanta ku qabata.

Dr.C/qaasim ayaa intaa ku daray in haddii la yiraahdo Itoobiya ha laga saaro dalka uusan micnaheedu aheyn in dowladda federaalka lala dirirayo, isagoo hase ahaatee ku eedeeyey dowladda Baydhabo fadhida iney tahay tan mas'uulka ka ah in Itoobiya ay ku soo xad gudubto qaranimada Soomaaliya, ciidamo kumaan kun gaarayana soo geliso gudaha dalka.

“Qof diirka Soomaali ka ah, qalbigana Tigree ka ah ma garaneyno sida loola macaamili karo, nimanka Baydhabo fadhiya ee dowladnimada sheeganaya waxaan leeyahay haddii aad tigree wakiil ka tihiin shacabku waa idinla dirirayaa, sida ay ula dirireen qabqalayaashii Muqsdisho joogi jiray ee sanuuda yar dhaafsaday iney dano shisheeye darteed u baabi'iyaan dadkooda, haddii aadse dooneysaan inaad dalkiina wax u qabataan, dalku shacabku ayuu ku dhisan yahaye shacabkiina soo raaca, cadowgana ka imaada” ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo intaa ku daray in cidina aysan sheegan karin mas'uuliyad Qaran, iyadoo aan hanan taageerada ummada.

“Qorigeyga waa ii diyaar, waxaana ka qeyb qaadanayaa jihaadka dalka looga xoreynayo Tigreega caqabada ku ah qaranimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr.C/qaasim oo si weyn ay uga muuqatay naceybka ba'an ee uu qabo maamulka Melles Zenawi ee dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee dowladdii TNG-da Carta Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa meesha ka saaray inuu wax ku lahaa asaaska maxkamadaha Islaamiga ah, isagoo sheegay in maxkamaduhu ay ku abuurmeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, balse aysan ku imaan rabitaanka shaqsi ka mid ah dadka.

“Maxkamadaha waa shacabkii oo isugu tegay oo nin walbana qorigiisii u qaatay sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen qabqablayaashii ummada ka qeylisiinayey muddo 15 sano ah oo dhiigooda cabayey, ILLAAHEY mahadii waan iska qabanay, kitaabkii ayaana markan n oo iftiimaya, oo aan ku dhaqmeynaa, waayo? Dimoqraadiyad iyo shuuciyad oo ah labada nidaam ee aduuunka looga dhaqmayey mudooyinkan dambe waan tijaabinay, meesha aan haadda fadhino ayeyna na dhigeen” ayuu yiri Dr. C/qaasim oo inta ku daray in wax qabadka maxkamadaha aan la iska indha tiri Karin oo isla markaana ay xasileen caasimada Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in dowladaha Adduunka ugu waaweyn markii ay joogeen xitaa ay xasilin waayeen.
User avatar
Cawar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 18502
Joined: Sat Nov 06, 2004 1:14 am
Location: BBB

Post by Cawar »

He is the most hypocritical MF that ever came out of Somalia and somali politicians...hiw own clan know that too.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

ethopia just used divide and rule strategy, somalis in that time were beeing ruled by warlords its not that citizens of muqadisho disliked him ore something however those who didnt welcomed him were beeing blinded by tribalism like alot of sacads did and still do remember that accident between hussein aideed and caatoo vs abdiqassim treath
User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

Post by Ashlee~ »

Dr.C/Qaasim

(plural Abdi-qa-sim)


noun


somebody feigning high principles: somebody who pretends to have admirable principles, beliefs, or feelings but behaves otherwise


[12th century. Via Old French ypocrite < Greek hupokritēs "actor, pretender" < hupokrinesthai (see hypocrisy)]
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Post by Sir-Luggoyo »

Abdiqasim is one slimey character, he bites with both ends and "Greed" is his middle name.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”