PUNTLAND MILITIA DEFECT TO ISLAMIC COURTS
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2123
- Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
- Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.
PUNTLAND MILITIA DEFECT TO ISLAMIC COURTS
Ciidamo ka tirsan maxkamadda Badbaado oo dhowaan looga dhawaaqay w/magaalada Galkacyo ayaa maanta ku biirey ciidamada maxkamadaha islaamka ee fadhiga aagga Bandiiradleey, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe, iyadoo dhinaca kale Gen. Cadde Muuse uu booqday halka ay isku horfadhiyaan ciidamadiisa iyo kuwa MMI.
Taliyaha ciidamada Maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe Cali Bashiir ayaa u sheegay idaacadda shabelle in tiro u dhaxeysa 80-100 oo heyb ahaan ka soo jeeda Puntland daacadna u ah maxkamadda Badbaado oo dhowaan looga dhawaaqay W/magaalada Galkacyo ay maanta ku soo biireen ciidamadooda.
Waxa uu sheegay in maleeshiyadaan ay yihiin kuwo ku hubeysan qoryaha fudud, waxaana uu sheegay in isla maanta lagu biiriyay ciidamadaasi kuwa horfadhiya Puntland.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka soo jeeda Puntland ay ku biiraan Maxaakiimta islaamka somalia, iyadoo tanina ay noqoneyso mid dhabar jab ku ah maamulka Puntland oo dagaal kula jira maxkamadaha islaamka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa booqasho ku tagay maanta meelaha ay ciidamadiisa iyo kuwa maxkamadaha ay isku horfadhiyaan ee agagaarka deegaanka Bandiiradleey.
Socdaalka cadde Muuse ayaa lagu macneeyay socdaalkiisa mid uu ku dhiirigalinayay ciidamadiisa in ay iska difaacaan weeraro kasta oo kaga yimaada maxkamadaha islaamka
http://www.shabelle.net/2006/november/n9421.htm

- Somaliman%
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3787
- Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
- Location: The hills. England,
- Contact:
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
shaballe is an neutral site
dude your uncle is finished
Weerar ka dhacey Garowe
15 Nov 15, 2006, 08:42
Hal nin ayaa ku dhintay labo kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii lala beegsaday weerar mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DGPL.
Weerarkan ayaa dhacay xiili Gaariga la weeraray uu shidaal ka qaadanayey Kaalin shidaal oo ku taala Bartamaha Magaaladda Garowe,
Ninka dhintay iyo midka dhaawaca ah ayaa ka tirsan Ciidanka Daraawiishta DGPL halka ninka sadexaadna uu yahay Arday iska marayey Goobta Weerarkasi ka dhacay.
Dablayda hubaysan ee weerartay Gaariga ayaan ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigin, lamana sheegin cidda ay yihiin balse waxaa wararku sheegayaan in isla Ciidanka Daraawiishta ay ka tirsan yihiin.
Dhaawaca ayaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka Guud ee Magaaladda Garoowe, waxaana Saraakiisha Caafimaadku u sheegeen Garoweonline in dhaawaca caafimaadkoodu fiican yahay.
Axmad Maxamad, Garowe Online

Ciidamo Ka Goostay Puntland Oo Ku Biiray Maxkamadaha Iyo Ciidamadi Joogay Adhi Cadeeye Oo Galkacayo La Keenay
Somaliland.Org — Gaalkacayo, Somaliya — 15 November, 2006
--------------------------------------------------------------------------------
Galkacayo (Somaliland.Org) Ciidamo tiradoodu gaadhayso ilaa boqoleeyo oo kazoo jeeda degaamada Puntland, gaar ahaan magaaladda Gaaklacayo ayaa manta ku biiray ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee fadhiisinkodu yahay Bandiiradley.
Ku biiritaanka ciidamadan Puntland ayaa cabsi weyn ku dhalisay maamul goboleedka Puntland, taso sababtay in Gen Cadde Muse, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland wakhtigan xaadirkaa kormeer ku marayo kuna sugan yahay halka ciidamadiisa iyo kuwa Maxkamadahu isku hor fadhiyaan.
Waxa labadii wiig ee ugu danbeeyay ka dhacay deeganka Bandiiradley oo ah agagaarka Gaalkacayo dagaalo halkas ku dhex maray ciidamada Maxkamadaha Islamka iyo kuwa Puntland. Ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qaybdiid ayaa ciidamada Maxkamadahu ka qabsadeen degaanka Bandiiradley iyo degaamo kale oo ku dhow dhow.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in maamul goboleedka Puntland uuu ciidamadiisi u joogay degaanka Adhi Cadeeye uu usoo wareejiyey dhinaca magaaladda Gaalkacayo, halkaas oo uu ka socod abaabul dagaal oo aad u balaadhan.
Magaaladda Gaalkacayo ayaa degaan ahaan waxa kasoo jeeda Madaxweynaha Dawladda Federalka Cornel Cabdilaahi Yusuf Axmed, taasoo ay dhabar jab weyn ku tahay isaga iyo maamulka Puntland Maxkamad dhowaan lagaga dhowaaqay degaamadas iyo ku biiritanka ciidamadan ee Maxkamadaha.
Cabdi Cali, Somaliland.Org
Gaalkacayo, Somaliya

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 17 Replies
- 1004 Views
-
Last post by B-MAX
-
- 4 Replies
- 788 Views
-
Last post by American-Suufi
-
- 0 Replies
- 580 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 0 Replies
- 290 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 10 Replies
- 53 Views
-
Last post by godness
-
- 0 Replies
- 264 Views
-
Last post by Spursman
-
- 13 Replies
- 852 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 17 Replies
- 2769 Views
-
Last post by Magnusomalius