http://waagacusub.com/wareysiyo/Cabashada%20Qaadka.ramListen to her story
Meanwhile in Cirfo the Cayr's Afgoye:
Afgooye oo xalay Qaad ku marti gelisay boqolaal muqayiliin ah oo ka qaxday Qaad la'aanta Muqdisho
Boqolaal qofood oo ka tirsan muqaliyiinta Qaadka daacad u ah ayaa shalay galab ilaa xalay iyagoo aan dheg la qabto laheyn waxay ku sii qulqulayeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, ka dib markii ay ka war heleen in Qaad fara badan oo ganacsatadii laheyd ay kala soo baxsadeen ciidamada maxkamadaha lagu iibinayo Suuqyada degmada Afgooye, kaasoo qeyb ka ahaa qaad shalay ka soo degay garoonka dayuuradaha No-50 oo intiisii badneyd ay gacanta ku dhigeen ciidamada maxkamadaha oo ka dibna ay ku gubeen deeganka No 60 oo ka tirsan isla gobolka Sh/hoose.
Ganacsatadan oo awoodi weysay Qaadka ay la baxsadeen inay u soo dusiyaan magaalada Muqdisho cabsi ay ka qabeen ciidamada maxkamadaha oo baabuurta ku soo jeeda magaaalada Muqdisho si aad ah ugu baarayey deegaanada Siinka dheer iyo ceelasha biyaha oo ku yaala wadada dhinaca Afgooye ka soo gasha Xamar ayaa Qaadka si caadi ah ugu iibinayey degmada Afgooye gelinkii dambe ee shalay, inkastoo wadooyinka magaalada Afgooye lagu arkayey ciidamo ka tirsan maxkamdaha oo ku hubeysan baabuurta dagaalka oo ugaarsi ugu jiray dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala Qaadka ayaa haddana qaadka lagu iibinayey xaafadaha, iyadoo haween iyo dhalinyaro fadhiya goobihii qaadka lagu iibin jirayna ay baaq kuugu sheegayaan haddii aad dooneyso Qaad oo haddii aad is fahamtaana kuu sii kaxeynaya goobta ay uu markaasi u yaalo qaadka oo qiime u dhexeeya 200 ilaa 250 kun sh.so ah la kala siisanayey marduufkii.
Dadkan muqayiliinta ah ee baadigoobka ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen meel ay ka helaan balwada Qaadka oo qaarkood ay wateen gawaari cad cad ayaa xalay sababay iney qaali noqdaan qiimaha lagu kireysto hoteelada ku yaala degmada Afgooye oo iyagu markii dambe buuxsamay, taasoo qaarkood ku xambaartay iney dadka degan xaafadaha ka codsadaan iney siiyaan meelo ay ku hoydaan iyadoo dadka intiisa badana ay si aad ah uga baqaan kooxahan muqaliyiinta ah oo ay rumeysan yihiin iney ka buuxaan kooxo badan oo tuugo ah, marka laga reebo inta isbar garaneysay oo iyagiu jiifka isku casuumayey, iyadoo degmada afgooyena ay xalay aheyd mid dhaqdhaqaaqeedu ka duwanaa sidii hore.
Arintan ayaa ku soo beegantay xilli golaha maxkamadaha Islaamiga ah oo maalmihii la soo dhaafay gubay Qaad meelo kala duwan ganacsato Soomaaliyeed ay ka keensadeen ay shalay soo saareen wareegto lagu mamnuuucayo isticmaalka Qaadka iyo ka ganacsigiisaba, waxayna dad badan is weydiinayeen qaabka golaha maxkamadaha ay ugu suurta geli karto dhaqan gelinta go'aankaasi iyagoo aan heysan tas'hiilaadkii dowladnimo, isla markaana ay meelo kala duwan uga furan yihiin xaalado dagaal oo ay isaga soo horjeedaan dhinacyo siyaasad ahaan ka soo horjeeda isbalaarinta ay la wadaan maxkamadaha gudaha dalka.
Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), Muqdisho, Somalia
diinicadde@hotmail.com