Persona non grata! Who will be on the list next?
Posted: Wed Nov 22, 2006 11:49 am
MUQDISHO: Maxkaamdaha oo sheegay in Xildhibaan Cismaan Caato uusan imaan karin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdsiho
Posted to the Web Nov 22, 16:27
Muqdisho (PP) - Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aynu ka helay xubno ku dhowdhow Maxkamadaha ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato uusan imaan karin magaalada Muqdisho.
Ilo wareedaydaan ayaa waxay xaqiijinayaan in Cismaan Xsaan Caato oo haatan ku sugan Gobollada Waqooyi ee dalka uusan imaan karin Magaalada Muqdisho, isla markaana loogu diray goobta uu ku sugan yahay warqad arrintaas lagu caddeynayo.
Sarkaalka warbixintaan na siiyay oo diiday in magaciisa aan xusno ayaa sheegay in Maxkamadaha ay ka gaashaamanayaan cabsi ay ka qabaan in dhibaatooyin uu ka dhex abuuro Cismaan Caato Maxamadaha dhexdhooda, waxaana uu sheegay inay taasi keentay in loo diro Cismaan caato warqaddaan loogu digayo inuu yimaado Muqdisho.
"Waxaan go'aan ku gaarnay inaanu Cismaan Caato soo gelin Magaalada Muqdisho, waxaase uu tegi karaan goobtii kale ee aanay Maxkamaduhu ka talin oo ka tirsan dalka Soomaaliya... xitaa wuu tegi karaa magaalada Baydhabo oo ay dowladdu deggen tahay" ayuu yiri sarkaalkaan oo codsaday inaan magaciisa la xigan.
Arrintaan ayaa waxay keentay in buuq weyn ay ka dhex dhaliso Maxkamadaha iyo beesha uu ka soo jeedo Cismaan Caato, waxaana socda haatan waawaanno lagu doonayo in lagu dhemeeyo khilaafka loogu diiday in Cismaan Caato uu yimaado Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Daabacaad: Puntlandpost.com