Page 1 of 1

MAXKAMADAHA OO QABSADAY DEGAMDA DIINSOOR EE GOBALKA BAAY

Posted: Sat Dec 02, 2006 9:01 pm
by fagash_killer
Maxkamadaha oo qabsaday Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

{Diinsoor}02-12-06 Degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka oo ku hubeysan gawaari fara badan oo kuwa dagaalka ah ay la wareegeen gacan ku heynta goor hore ee saaka ah

Lama soo sheegin wax iska horimaadyo ah oo halkaasi ka dhacay, iyadoo ciidamada maxkamadaha islaamka weli isku wareejinayaan Xarunta Dowladda Soomaaliya.

Degmada Diinsoor ayaa waxa ay ka mid aheyd magaalooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya, inkastoo aanu jirin ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi joogay.

Tallaabada ay qaadeen Maxkamadaha ayaa waxay muujinaysaa qorshaha Maxkamadaha ku doonayaan inay kula wareegan dalka Soomaaliya.

Qabsashada Maxkamadaha ee Magaalada Diinsoor ayaa ku soo aaday xilli Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay loo gudbiyay Qorshaha qaadista Xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

News Desk WidhWidh Online