The ICU are backing off. THEY ONLY HAVE AN APPETITE FOR HAWIYE BLOOD.
Maxkamadaha: " Si qaldan baa loo fasiray maalmihii aan u qabanay Ethiopia"
Mogadishu 18, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa sheegay in xalka kaliya ee Somalia uu yahay in ay is casisho dowladda KMG ah, isla markaana looga badbaadikaro dagaal sokeeye oo ka dhaca gudaha Somalia, iyadoo dhinaca kale maxkamadaha islaamka ay sheegeen in maalmihii ay u qabteen ciidamada Ethiopia in ay kaga baxaan gudaha Somalia si qaldan loo fasiray.
Madaxa dacwada iyo warfaafinta maxkamadaha islaamka Somalia Sheelh C/raxiim Muuddeey oo u waramay Shabelle ayaa sheegay in hadal dhowaan ka soo baxay maxkamadaha islaamka ee todobo maalmood ay u qabteen dowladda Ethiopia in ciidamadeed ay kala baxdo Somalia uu yahay mid si qaldan loo badalay oo maxkamadaha islaamka aanu ula jeedin in haddii todobada maalmood ay dhamaato ay weerari doonaan fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada ethiopia ee ku sugan Somalia.
Sheekh C/raxiim Muuddeey ayaa waxa uu sheegay in hadalkaasi ka soo baxay Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka uu ahaa mid sharuud ay kaga dhigayeen wada hadal uu xusay in Ethiopia ay ka codsatay dowladaha Yemen iyo Jabuuti in ay ka dhex sameeyaan maxkamadaha iyo dowladda Ethiopia si qilaafka dhexdooda ka aloolsan loo qaboojiyo, waxa uuna tilmaamay in maxkamadaha ay doonayeen in ka hor inta aan wada hadalkaasi furmin laga bixiyo gudaha Somalia ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Somalia.
Waxa uu sheegay in haddiiba ciidamada Ethiopia ay wali ku soo qulqulayaan dalka Somalia au tahay in aynu iska difaacno, isagoo sheegay in aanu aheyn weerar maxkamadaha islaamka.
Cabdi raxiim Muudeey ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xalka Somalia uu ku jiro in dowladda KMG ah ah ay is casisho, isagoo sabab kaga dhigay in dowladda Somalia markii la dhidbay ay sheegtay in ay is casileyso hadii ay wax qaban weyso, waxaana uu ka dalbaday dowladda Somalia in ay u madax baneyso ku dhaqanka shareecada islaamka.
Si kastaba ha ahaatee hadalada ka soo baxay Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta ay ku ekeyd 7 dii maalmood ee Maxkamadaha ay u qabteen ciidamada Ethiopia in ay kaga baxaan gudaha Somalia.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us:
info@shabelle.netShabelle Webmaster:
baabul@shabelle.net