Puntland Soldiers In Biadoa Prison !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Posted: Tue Dec 19, 2006 2:25 pm
BAYDHABO:Ciidamo ka tirsan kuwa DFKS oo kasoo jeeda Deegaanada Puntland oo qaarkood ku xiran Xabsiga Baydhabo
Posted to the Web Dec 18, 18:20
Kismaayo: (pp) - Ciidamo ka tirsan kuwa DFKS oo asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Garoowe ayaa bilihii la soo dhaafay dhibaatooyin kala duwan loogu gaystay xarrunta DFKS. Waxaana Wariyaha Puntlandpost oo gaaray goobahaas xaqiijinayaa in Ciidamadaas ay kala kulmeen dhibaato masuulka haysta qaybta koowaad ee Ciidamada Dowlada oo lagu magacaabo Col. Af-guduud.
Maxamed Xuseen oo ah Walaalka mid ka mida Ciidamada qalabka sida oo dhibaato xarig iyo hanjabaad isugu jirta uu kula kacay Col. af-guduud iyo xubno kale, ayaa isagu u sheegay Puntlandpost in Walaalkiis iyo kuwo kaleba ay ku xiran yihiin Xabsiga baydhabo , ayna u xiran yihiin C/risaaq af-guduud , kaddib markii ay isaga horyimaadeen habka uu maamulo ciidanka iyo waxsiintooda.
Askari kale ayaa isagana sheegay inay xaqdaro ay tahay iyagoo ka tirsanaa Ciidankii Puntland, deegaanadooda looga soo kaxeeyey inay taageeraan dibna u soo celiyaan qaranimadii Soomaaliyeed , hadana loola dhaqmo si aan waafaqsanayn xaquuqda uu leeyahay Askariga Soomaaliyeed. " Col. Af-gaduud xaq uma laha inuu naduudsiiyo xaqeena , waxaana nolosheena wakiil qaaday Dowlad goboleedka Puntland , mana aha in Af-guduud uu si xun noola dhaqmo, dhaqaalaha loogu talagalay Askartana uu isagu siduu doono u maamulo , waxaana Madaxweynaha Soomaaliya maadaama uusan ka warqabin waxa ciidan ahaan na haysta ka codsanaynaa inuu arrinteena wax ka qabto, Waxaana Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi si wada jira uga codsanaynaa in Xabsiga Baydhabo laga siidaayo Askar ka mida kuwa Qaranka oo u xiran Col. Af-guduud , kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud ,".
Arrintan ayaa soo baxaday kaddib markii wariyaha Puntlandpost u jooga koonfurta oo dulmar guud uu ku sameeyey nolosha ay ku nool yihiin Ciidamada Puntland ee lagu wareejiyey DFKS , waxaana Wariyuhu uu goobahaas ku soo arkay cabashada dhalinyaradaas oo si xun uga biyo diidanaa Col. af-guduud iyo maamul-xumada uu ku hayo Ciidamada uu gacanta ku hayo.
Wiilasha qaarkood waxa ay qireen inay arrintani uu la yimid Col. Af-guduud tan iyo itii uu Xag Caafimaad dibada ugu baxay Col. Saciid Dheere oo isagu ahaa say sheegayaan nin ku shaqeeya amaamiirta Ciidamada uguna shaqeeya sida ay tahay waa sida ay hadalka u dhigeene, Waxaana wariyuhu uu indhihiisa ku soo arkay 5 kamida Ciidamada oo ka soo jeeda Deegaanka Garoowe oo si aan sharci ahayn ugu xiran xabsiga baydhabo.
Waxaan isaga dhigay qof caadi ah , waxaan ku cel-celiyey Ciidanka qaarkiis , ciidamadan xiran ma ka warqabaan Masuuliyiinta Dowlada siiba Madaxweyne C/laahi Yuusuf waxayna dhamaantood isla qireen inuusan madaxweynuhu uusan ka warqabin , laakiinse ay ka warqabaan xubo baarlamaanka ka tirsan oo dhowr jeer ay uga cowdeen dhibaatada haysata.ayuu yiri wariyeha PP -Waxaase aan aad ula yaabay,sababta keentay in Col. Af-guduud uu xubsiga ama handadaad uu ku sameeyo hal-beel kaliya oo ka tirsan Ciidamada Dowlada.
Ma aha markii ugu horaysay oo Ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ku jira howl qaran ay dayacaan masuuliyiintoodu, waxaana Xabsiyo dibada weli ugu xiran Askar ka tirsanaan jirtay Ciidamada ilaalayaasha badaha Puntland oo iyagoo shaqo qaran ku jira maraakiib shisheeye ay af-duubteen , kuwaas oo hada ku jira xabsi ku yaala caasimada Bankok.Maamulka Puntland uusan wax dana ka lahayn.
Maxamed Jaamac
Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya