Xoogsade;
ITS OFFICIAL DAYNIILE REPORTED IT:
Maxkamadaha oo wareegto ku shaaciyay in dib loo dhigay Imtixaanaadkii Jaamacadaha iyo iskuulada G/banaadir
Wareegto uu caawa soo saaray ku-simamaha waaxda waxbarashada ee golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed Sheekh Xuseen Xasan C/dulle ayuu ku sheegay in dib loo dhigay dhamaamba Imtixaanadii Jaamacadaha iyo iskuulada ku yaala gobolka Banaadir.
Sheekha ayaa xusay in go'aankan ay la tashi kala sameeyeen madaxda sar sare ee golaha maxkamadaha islaamka, ayna isla garteen in la hakiyo imtixaanada si fursad ay u helaan ardayda diyaarka u ah inay ka qeyb qaataan jihaadka la isaga difaacayo gaalada ku soo duushay dalka, sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay inay sidoo kale la tashi kala sameeyeen maamulada iskuulada Jaamacaddaha iyo iskuulada ayna ka aqbaleen.
“Qeybta waxbarashadu waxay go'aamisay iyadoo amar ka qabta madaxda sare ee golaha maxkamaaha in dib loo dhigo imtixaanaadka illaa amar dambe si ardayga dagaalka gelayaa niyadiisa ay u xasilnaato, midkii raba inuu u diyaar garoobana uu u aadi, maxaa yeelay xilligan dagaalku cid kasta waajib ayuu ku yahay oo Gaaladu wey timid, xittaa haweenka waajib ayay ku tahay” ayuu yiri Sheekhaasi.
Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia
cabdishakuur48@hotmail.com