UIC Set Up Isbaaros for Business Owners
Posted: Fri Dec 22, 2006 2:50 pm
These guys are eating into my profits:
Waaxda Maaliyadda Maxkamadaha Islaamka oo sheegtay in la diiwaangelin doono Goobaha Ganacsiga Muqdisho
Jimco, December 22, 2006(HOL): Waaxda Maaliyadda Maxkamadaha Islaamka ayaa ku wargelisay Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho in dhawaan la bilaabi doono diiwaangelin ku saabsan goobaha Ganacsiga.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Maaliyadda Maxkamadaha Islaamka ayaa lagu sheegay in goobaha ganacsiga, gaar ahaan kuwa Suuqa Bakaaraha ku yaala loo sameyn doono nambarro, inkastoo aan qoraalkaas lagu caddeynin sababta loo tira koobayo ee loo nambarinayo.
Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in ay Waaxda Maaliyadda arrintaas uga gol leedahay in ay goobaha ganacsiga ku bilowdo canshuur qaadis bacdamaa ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho iyo deegaanada ay ka taliyaan ay ka suurtageliyeen amni lagu shaqeysan karo.
Maxkamadaha Islaamka ayaa haatan waxaa dhaqaale ka helaan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo iyagu haatan howshooda ay si caadi ah u socota. Lama oga in ay Waaxda Maaliyadda maxkamadaha Islaamka qorsheyneyso in ay canshuur ku soo rogto goobaha ganacsiga ee ay tirakoobeyso.
Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho waxay sameysay waaxo dhowr ah oo u shaqeynaya sida dowlad oo kale oo waxaana ka xusi karnaa Waaxda Arrimaha Gudaha, Waaxda Amniga, Waaxda Arrimaha Dibadda, Waaxda Maaliyadda, Waaxda Dib u dhiska, Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollaada, Waaxda Caafimaadka iyo kuwo kale, waxayna dhamaantood si caadi ah u wataan howlahooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia