Great Interview with COL ADAN KALMOOY

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

Great Interview with COL ADAN KALMOOY

Post by Ashlee~ »

Col. Aadan Kaalmoy Dhaqane oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada guracan ee maxkamadaha Muqdisho oo ah inay dagaal lagu hoobto ka kiciyaan geeska afrika


Col. Aadan Kaalmoy Dhaqane
Col. Aadan Kaalmoy Dhaqane oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii hore ee jabhaddii SNF kana mid ahaa wafuudii ka qayb gashay shirkii lagu soo dhisay dawlada KMG ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wakaalada wararka WaltaInfo wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyay siday ku soo baxeen ama u samysmeen maxkamadaha Muqdisho iyo ujeedadooda gurcan oo ah inay dagaal xukun ka huriyaan geeska Afrika iyagoo ay ku adeeganayaan dad shisheye oo aan wax dan ah ka lahayn dhibka soo gaara dadka ku dhaqan geeska Afrika.

Wareysigaas oo dheeraa ayaa waxaa ka mid ahaa su'aalaha la weydiiyayCol. Dhaqane: Waa maxay ujeedada (Maxkamadaha Islaamiga)?

Wuxuuna yiri: Ujeedadoodu maxkamadaha waxaa weeye in geeska Afrika laga sameeyo waxyaalo aanjirin, oo dad aan u dhalan oo argagixso ahlagu abuuro, sida Afganistaan oo kale, iyo meelaha kale oo argaggaxisada lagu abuuro ayey doonayaan si ay danahooda uga fushadaan Somaliya.

Dhibka waxa wada ayaan idiin sheegayaa: ayuu yiri Col. Dhaqane isagoo ah nin aad ugu xeel dheer siyaasada Somaliya ka jirta iyo beenta maxkamadaha, : Ereteriya deked ayey leedahay, Jabuutina deked ayey leedahay, Soomaaliya deked ayey leedahay. Jabuuti ma rabto in Soomaaliya dekedeeda ay isticmaasho Itoobiya(oo jabuuto danteedu waxay ku jirtaa Itoobiya oo aan meel aan Jabuuti ahayn wax ka soo degsan), Ereteriyana ma rabto in Soomaaliya ay nabad noqoto oo markaas dekeda Soomaaliya ay Itoobiya isticmaalaan ma rabaan oo taas Eriteria dhib ayaa ugu jira.

Maxkamaduhu haddii ay Istaratijiyada Soomaaliya xoog ku yeeshaan, oo "argaggaxisada" halkaas ay xoog ku yeelato, waa istaraatijiyo weyn oo Indian Ocean ah, meel walbana laga soo degi karo, oo Somaiya noqonayso goob fadqalalo.

Ciidamada Itoobiya ayaa joogay dhahaan Somaliya, war ciidamo Itoobiya oo ku jira xadka ma jiraan Soomaaliya, waxa ku jira waa wax tababar ah, dacaayada iyo hanjabaadka loo hanjabayo, dawlad weyn oo deris ah oo walaal ah oo qaxootiganagu ku jirana in loo hanjabo oo dadka lagu diro ma ahan, ee in laga daayaan qabaa, Itoobiyadii hore oo jirtey iyo Itoobiyada cusub oo maanta isku mid ma ahan, labadiiba (dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya) meesha ma joogaan, shacabkii ayaa meesha jooga, labadii isku mar ayey burbureen, itoobiya ayaa dowlad yeelatay, Soomaaliyana ayna madax yeelan, madaxdii Itoobiya waa na soo dhoweysey, si fiican oo qurux badan ayey noo soo dhoweysey, Jabuuti lama geli karo qof aan fiisa wadan, Keenyna ma geli karo qof aan Fiiso wadan, xadka Itoobiyana waa la iska soo galaa wax wax ku yeelayaana ma jirto.

Waresigaan oo dheer oo laba qeybood ah halkaan kaga bogo:
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Post by DawladSade »

He is a crazy reer Ahmed. He was the guy who went to ethiopia and got all the weapons for General Cumar Xaaji massale to whup Al Itixaad in Gedo. Laughing Laughing
User avatar
Ugaas Diini
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4452
Joined: Mon Feb 28, 2005 1:04 am
Location: Dar Al-Islam

Post by Ugaas Diini »

He is not reer Axmed.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Post by DawladSade »

[quote="Ugaas Diini"]He is not reer Axmed.[/quote]

According to me sources he is. Is he not the Col Adan Kaalmooy aka "Col Feerfeer"?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”