Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku dhow Xudur.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Kramer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4342
Joined: Sun Apr 03, 2005 12:45 pm
Location: At Cawar's house, watching TV while Ina Baxar is practicing nursing on Cawar!
Contact:

Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku dhow Xudur.

Post by Kramer »

Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku dhow Xudur.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ee Gobalka Bakool waxay sheegayaan in Ciidamo Maxaakiimta Islaamiga ah oo wata 35 Tikniko ah ay ku dhawaadeen Degmada Xudur ee Gobalka Bakool, waxayna shalay duleedka Magaalada Kulamo kula yeesheen odoyaasha iyo waxgarada iyo culima'udiinka degmadaasi.

Ciidamada Maxaakiimta oo doraad qabsaday Magaalada Tiyeeglow ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey waxaana la sheegay in ciidamadaani ka qayb-qaataan hareereynta lagu hayo Degmada Baydhabo oo ay si aad ah ugu sii siqayaan Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah, kuwaas oo weeraro ka wada deegaanada Iidaale iyo Daynuunaay.

Ciidamada Maxaakiimta oo wata hub aad u xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay doonayaan inay jaraan wadada keliya ee ay isticmaalaan Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Degmada Bardaale, waxaana lagu waramay in ay isku qaybiyeen labo qaybood oo ay qayb u dhaqaaqday dhinaca Degmada Qansax Dheere iyo kuwo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Xudur.

-------------------------------------------------------------------------------------

Abshir Bacadle oo la xaqiijiyey in uu nool yahay.

Abwaan Abshir Nuur Faarax oo ah Guddoomiyaha Golaha Abwaaniinta Islaamka Soomaaliyeed oo shalay wararka la soo geliyey Magaalada Muqdisho ahaayeen inuu geeryooday, ayaa haatan waxaa la xaqiijiyey in Abshir uu nool yahay oo uu ku sugan yahay Diinsoor ee Gobalka Baay.
--------------------------------------------------------------------------------
Abshir Bacadle oo wajiga hore ee dagaalka u tagay sidii uu u guubaabin lahaa Ciidamada Maxakiimta Islaamiga ah ayaa horey waxa uu u sheegay in uu doonayo in uu ku geeryoodo dagaalka Jihaadka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo itoobiya ayaa waxaa noloshiisa ku farxay shacabka Soomaaliyeed oo aad u guubaabin jiray ahna abwaan markasta shacabka fara wanaaga, una adeega Suugaanta.

Abshir oo xiran Tuutihiisa iyo qorigiisa ayaa waxa uu doonayaa in uu ka qayb-qaato dagaalka lagula jiro ciidamada itoobiya oo si gardaro ah ugu soo duulay dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.
Last edited by Kramer on Mon Dec 25, 2006 11:22 pm, edited 1 time in total.
smooth
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3947
Joined: Tue Jan 20, 2004 7:00 pm
Location: London

Post by smooth »

Viva Mujahideen coalitions
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”