BREAKING NEWS ICU fled Kismayo, Barre Hiiraale is advancing
Posted: Tue Dec 26, 2006 9:12 am
Maamulkii Maxkamadaha Oo Ka Baxay Kismaayo Iyo Magaaladii Oo Maanta Uusan Ka Jirin Wax Maamul Ah
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay gebi ahaan ay ka baxeen maamulkii maxkamadaha ee magaalada Kismaayo , iyadoo la sheegay in masuuliyiintii ugu sareeysay ee maamulkaasi ay u baxeen dhanka RAS KAMBOONI ee gobalka Jubbada Hoose.
Masuuliyiintaan isaga baxay magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay inay la baxeen ilaa 20 gaadiidka dagaalka iyo ciidamadii ku harsanaa magaalada oo ay u kaxaysteen degaanka RAS KAMBOONI. Wararku waxay intaas ku darayaan in magaaladu aysan ku sugnayn raggii maamulka hayey oo magaalada ay ku sugan yihiin oo kaliya afartan meeyo ciidamo ka haray midowga maxkamadaha oo ku sugan agagaarka saldhigga booliska magaalada iyo garoonka diyaaradaha.
Wararka la is dhexmarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay dhowaan halkaasi soo gaaraan ciidamo ka socdo dowladda federaalka Soomaliya oo la sheegay in racoodii ugu horeeyey ay soo gaareen degaano ka tirsan gobalka Jubbada Dhexe.
Faaruqinta ay faaruqiyeen maamulkii maxkamadaha ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo aaday xilli ay ciidamadii midowga maxkamadaha ee gobalka BAY ay gebi ahaan ka baxeen goobahii ay muddo ku dhow 8 cisho ay dagaalo kula jireen ciidamo isugu jiro Itoobiyaan iyo kuwa dowladda federaalka Soomaliya.
http://www.gedonet.com/index.php?news=802