Symbolic Victory: Guriceel Dahir aweys birth place captured!
Posted: Tue Dec 26, 2006 10:57 am
Guriceel: Ciidanka dawladda federaalka oo la wareegay degmada Guriceel.
Talaado, December 26, 2006
Guriceel(AllPuntland)- Ciidamada dawaladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow la wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.
Sida uu AllPuntland u xaqiijiyay wariyaha AllPuntland oo kusugan safka hore ee dagaalka waxaa ciidanka dawladda federaalka si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Guriceel.
Waxgaradka iyo cuqaasha Guriceel ayaa ciidanka dawladda Soomaaliya uga horyimid duleedka Guriceel, waxayna ku qanciyeen in cudud ka hor imaanaysa aysan halkaasi ka jirin.
Wariyaha AllPuntland ee jiidda hore kusugan wuxuu sheegay inaan wax ciidan ah laga soo wareejin degmada Guriceel, ayadoo wax garadka deegaankuna ay ku qanciyeen ciidanka in malleeshiyaadkii joogay Guriceel ay xilli hore isaga bexeen Guriceel.
Ciidankan hadda la wareegay Guriceel ayaa wararku sheegayaan inay ku wajahan yihiin magaalada Baladwayne ee gobolka Hiiraan , halkaasi oo ay kusugan yihiin ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Ciidanka dawladdu waxay maanta sidoo kale soo mareen magaalada Dhuusamareeb , halkaasi oo ayana aysan wax iska caabbin ah kala kulmin.
Degmada Guriceel waa halka asal ahaan uu kasoo jeedo Xasan Daahir Uways oo madax u ah maxkamadaha, waxayna kamid ahayd degmooyinka uu taageerada kulahaa.
CCC Farayaamo
AllPuntland