Page 1 of 1

Djibouti Airlines rep killed in Kismayo

Posted: Wed Dec 27, 2006 1:12 am
by Niya
KISMAAYO: Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa dil foolxun loogu geystey Magaaladda Kismaayo Mas'uulkii SHirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines.
Posted to the Web Dec 26, 20:48


Kismaayo:(pp) - Rabbi Janadii haka waraabiyee waxaa meydkiisa laga heley meel u dhaw xeebta Kismaayo Mas'uulkii Shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti Xafiiskeeda Soomaaliya Cismaan Maxamuud Cismaan (Dhegaweyne).

Cismaan Dhegaweyne ayaa u tegey Magaaladda Kismaayo si uu uga furo xafiis ay leedahay shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti, kadib waxaa kala haray diyaaraddii uu saarnaa malayshiyo ka tirsan maxaakiimta Kismaayo, waxayna sheegeen in ay arkeen ninkaan oo la sawiran hadda ka hor Madaxweyha Puntland Cadde Muuse!!.

Dilkaan ayaa ahaa mid aad u foolxun loona isticmaalay gawrac laga gawracay dhuunta loogana tegey meel cidla ah.Arintan ayaa waxay aad uga yaabisey mujtamaca Soomaaliyeed taas oo ku tusinaysa Burcadnimadda iyo sida ay dhiiga shacabka ugu qubaysanayaan Malayshiyaadka ka tirsan Maxaakiimta Islaamka waxa loogu yeedho.Waxaana warar hoose Sheegayaan in Amarkan uu ka danbeeyey Xasan Turki oo ahaa hogaamiyihii loo soo diray dhanka Jubooyinka ee hogaaminayey maleeshiyada Maxaakiimta.

Cismaan Maxamuud Cismaan waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon aadna looga jecel yahay guud ahaan geyiga Puntland, waxaana uu ahaa koox weriyaal ah oo lagu bilaabey idaacadda SBC sanadkii 2001dii, kadib waxa uu noqdey xoghaynta Madaxweynaha DGPL, isaga oo markii danbe ka tegey shaqadaas noqdeyna ganacsade isaga oo mas'uul ka noqdey shirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines, Rabbi ha unaxariistee waxa uu ifka kaga tegey 3 caruur ah iyo hal Xaas.

Waxaan ILLAAH uga baryeynaa Cismaan in uu ka waraabiyo janaddii Firdowsa, waxaana diley gacan ka xaqdaran.Waxaana dhamaan eheladii uu ka geeriyooday uga tacsiyeynaynaa dilkaas foosha xun ee loo geystay Marxuumka , waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu Nanadii Fardowsa ilaahay ka waraabiyo. Amiin.

HorseetNet/Puntlandpost.com

--------------------------------------------------------------------------------
©Puntlandpost.com ®All rights reserved. Designed by Ramaas Software
Contact us: info@puntlandpost.com - webmaster@puntlandpost.com

Posted: Wed Dec 27, 2006 1:16 am
by Ugaas Diini
Dude got killed because he took a picture with Cade Muse? Fvck I find that hard to believe.

Posted: Wed Dec 27, 2006 1:37 am
by sadeboi
they killed him ..and because he "supposedly' works/ed with cade musse.....and it is true even marexaan in k-city have said it..... Mad