Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) oo sheegta inuu yahay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe balse aysan jirin goor uu RaÂ’iisal Wasaare Geeddi u magacabay xilkaas marka laga reebo xilli hore oo Maxamed Dheere awood hoggaamiye kooxeed ku qabsaday Gobolkaas ayaa maanta Magacabay Guddoomiyaha Degmada Balcad.
Sida laga war qabo Degmada Balcad horey waxaa u maamuli jiray hoggaamiye kooxeedkii hore Muqdisho Muuse Suudi Yalaxow kamana tirsanayn Maamulka Maxamed Dheere, haatan oo Maxamed Dheere awood ay leedahay Dowladda Federaalka ku qabsaday Magaalada Jowhar ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan dadka degaanka Balcad MasÂ’uulka Maxaned Dheere soo magacabay.
Maxamed Dheere oo saaka Wariyaasha kula hadlayay Jowhar ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Degmada Balcad u magacabay C/llaahi Cali Rooble,wuxuuna sheegay Maxamed Dheere in MasÂ’uulkan uu xilka si KMG u hayn doono.
Waxaa uu ugu baaqay guud haan hey,adaha Samafalka, Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay la shaqeeyaan C/llaahi Cali Rooble madama uu yahay mas,uul cusub.
Haddaba suÂ’aasha taagan ayaa waxay tahay Maxamed Dheere awood ma u leeyahay inuu magacabo xil maadama uusan isaga magacabaneyn oo aysan jirin Wareegto rasmi ah oo Maxamed Dheere lagu soo magacabay oo Dowladda Soomaaliya ka soo baxday.
MA OOYA MISE WAAN QOSLAA
