THE AIRPORT AND THE PORT ARE NOW IN THE TFG HANDS !!!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

THE AIRPORT AND THE PORT ARE NOW IN THE TFG HANDS !!!!!!!!!!

Post by Ashlee~ »

28 - 12 - 2006 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

Xildhiban Maxamed J. Furux oo xalay la wareegay Dekedda isna ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamud Salaad Nuur oo Dekedda booqday kadib markii uu ka yimid Baydhabo

Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Maxamud Xasan Cali (Gaabow)

In kastoo Caasimadda Soomaaliya maanta ahayd meel aad u kacsan ayaa haddana waxaa qeybo ka mid ah Magaalada ka socday ganacsigii caadiga ahaa,iyadoo Dekedda Muqdisho ku soo xirtay Labo Markab oo mid ka yimid dalka Kenya midka kalena ka yimid dalka Imaaraadka Carabta.

Mar aan tagay gudaha Dekedda oo xilligaas ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Xasan Gaabow iyo xubno kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo arkay shaqo aad u ballaaran oo ka socotay Dekedda.

Maraakiibta timid maanta ayaa mid waxaa uu wadyaa Shidaal, halka mid kale uu sido Raashin oo ka keenay Kenya.

Howsha Dekedda ayaa caadi ah, horeyna Dekedda waxaa u joogay 2 Markab, guud ahaan waxaa Dekedda taagan afar Markab iyo hal doon.

Qaar ka mid ah Shaqaalihii hore Dekedda ayaa howshooda ku soo Laabtay sida Ahmed Cabdi Xasan (Wataac) iyo xubno kale, kuwaas oo horey shaqada ugu eriyeen Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga

Dhinaca kale Garoonka Muqdisho ayaa xiran ilaa iyo dhawr Maalmood ka hor mana jirto ilaa iyo hadda wax diyaarad ah oo Garoonka ku soo degtay ka sokow Diyaarad hal qaaday qaar ka mid ah xubnihii Maxkamadaha.

Maxamed Jaamac Furux oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ii sheegay in xalay uu la wareegay Dekedda isna ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya,waxaana haatan howsha si KMG ah u wada shaqaalihii hore ee Dekedaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamud Xasan Cali Gaabow ayaa Saxaafadda u sheegay in Dekedda iyo Garoonka ka badbaadeen fowdadii xalay dhacday,wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha ammaanka loo sugi doona.

Sidoo kale Xildhibaannadii Xamar joogay ayaa booqday Dekedda,iyagoo kula dardaaramay shaqaalaha iyo Maamulka in ay howshooda si Qaran u gutaan.

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya
Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

http://www.midnimo.com/dec1/28_12_deked ... ejiyay.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”