Col. Barre Hiiraale is greatly welcomed by Kismayo residents

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Jeffrey Dahmer
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 634
Joined: Tue Dec 07, 2004 4:35 pm

Col. Barre Hiiraale is greatly welcomed by Kismayo residents

Post by Jeffrey Dahmer »

Kismaayo: Wasiirka Gaashaandhiga oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo

Kismaayo:(Allpuntland)Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan Wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo kadib markii xalay ay isaga baxeen ciidamadii golaha maxkmaddaha Islaamiga.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaaman ayaa waxaa ay la wareegeen guud ahaan degmada Kismaayo iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in gaadiidka ciidamada dowladda oo uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhiga aymagaalada ku socod dheer ku marayaan.

Dhinaca kale madaxdii iyo maliishiyooyinkii maxkamaddaha Islaamiga ayaa lagu soo waramayaa in ay u carareen dhinaca degmada Dhoobley oo ay ku xoogan yihiin Maxkamaddaha Islaamiga

http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=1751&z=1
User avatar
Jeffrey Dahmer
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 634
Joined: Tue Dec 07, 2004 4:35 pm

Post by Jeffrey Dahmer »

Wasiirka Gaashaandhigga Barre Hiiraale Oo Soo Gaaray Kismaayo

Waxaa maanta si rasmi u soo gaaray magaalada Kismaayo wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaliya, Barre Aadan Shire (Hiiraale). Wasiirka iyo ciidamada uu horkacayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo kadib markii ay magaalada faaruqiyeen ciidamadii midowga maxkamadaha iyo masuuliyiintoodii oo dagaalo shalay kula galay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka magaalada Jilib.

Dadweyne aad u badan ayaa tubnaa hareeraha wadooyinka, iyaga oo ku dhowaaqayay erayo ay ku soo dhoweynayaan ciidamadan la wareegay gacan ku haynta magaalada. Barre Hiiraale ayaa masuuliyiinta la socota ay Gedonet u sheegeen inuu wasiirka uu meel fagaare kala hadli doono shacabka magaalada.

Waxgarad ku sugan magaalada ayaa ku gulestay inay xakameeyaan inaan magaalada aysan ku dhicin wax xasilooni darro ah ka hor inta aysan soo gelin ciidamadii uu hogaaminayey wasiirka gaashaandhigga.

Dhanka kale, masuuliyiintii iyo maliishiyooyinkii midowga maxkamaddaha ayaa lagu soo waramayaa in ay u baxeen dhinaca xuduudka gobalka Jubbada hoose uu la wadaago wadanka Kenya.

GEDO-NN-Kismaayo
Lacageylacag
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2123
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.

Post by Lacageylacag »

Rushing to occupy the warlord throne.

All praise and thanks to Meles, the savoir of the warlords.
xoogSADE14
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14602
Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
Location: Praying for peace in the south.

Post by xoogSADE14 »

hanoolaado Wasiirka Gaashaandiga Dawlada Federaalka Soomaaliyeed.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”