Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Degmooyinka Gedo
Posted: Tue Jan 02, 2007 5:32 pm
Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Degmooyinka Luuq, Beledxaawo Iyo Qisaas Laga Fuliyey Baardheere
Jan 02,2007
by B/Xaawo-GEDO-NN
Saddex nin ayaa si kala duwan maanta loogu kala dilay degmooyinka gobolka Gedo gaar ahaan Beledxaawo, Luuq iyo Baardheere, iyada oo saacado ay isu jireen dilalkaasna.
Falka dilka ee degmada Beledxaawo oo isagu ugu horreeyay ayaa waxa uu dhacay maanta 11:00 AM xilliga Beledxaawo, waxaana la dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Buraale oo isaga oo meel maqaayad ah fadhiya ay kooxo dabley ahi rasaas la beegsadeen. Waxaana ay sida ay sheegeen ugu aarayeen nin dhowaan lagu dilay magaaladan Beledxaawo oo ninkii dilayna uu u baxsaday dhinaca degmada Luuq, waxana dilkan geystay eheladii ninkii hore ee la dilay.
Isla maanta duhurkiina waxaa magaalada Luuq loogu aaray ninkaas la dilay nin oday ahaa oo caan ka ahaa degmada Luuq laguna magacaabi jiray Hire Margade, kaas oo ay dileen dabley ka aargoosanaysay dilkii saaka ka dhacay degmada Beledxaawo.
Magaalada Baardheerana fal midkan shabaha laakiin aan raad ku lahayn ayaa nin dhowaan dil ka geystay degmada Baardheere ayaa waxaa maanta dilay eheladii marxuumkii uu dilay, kuwaasoo uu gacanta ugu jiray muddooyinkan oo dhan.
Guud ahaanna magaalooyinka dilalku ka dhaceen ayaa waxaa la hadal hayaa inay dib u soo laabteen falalkii dilalka ahaa ee ku saleysnaa aargoosiga aanooyinka qabiil oo inta badanna sababa isku dhacyada kala duwan.
Masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobalka GEDO oo ku nool dalka dibadiisa iyo gudahaba ayaa cambaarayey falalkan dilka macnodarada oo aafeeyey shacabka gobalka GEDO, loona baahan yahay in si wadojir ah wax looga qabto wax alle waxii keeni kara ammaano darro iyo xasilooni la soo deristo gobalka GEDO.
Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)-GEDO-NN-B/Xaawo