now he received half million dollar and refugee status in Germany
I know many cad cad who lives in Frankfurt its your chance for revenge

___________________________________________
Sh. Yusuf M. Siyaad Indhacade oo ahaa madaxii amaanka midowgii Maxaakimta Somaliyeed ayaa kusii jeeda dalka Jarmalka, halkaas oo la filayo inuu ka dhigto dagaan rasmi, looguna diyaariyay sharci daganaansho iyo qaabilaad lasii qorsheeyay. Warkan oo aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa haduu dhaboobo waxa muuqanaysa in abaal marintaas uu ku helay Sh. Indhacade kadib markii uu si wanaagsan u qabtay howshii loo diray oo ahayd fashilinta midowga Maxaakimta. Safarka Sh. Indhacade uu uga baxay Muqdisho ayaa ahaa mid horay looga sii shakiyay.
Sh. Indhacade ayaa maalinkii Sabtiga 23 Dec. ku dhawaaqay inuu ku "tukan doono salaada Ciida magaalada Adis Ababa" kadibna Axadii 24 Dec ka dhoofay Muqdisho. Markii uu dhoofay Sh. Indhacade maalin ka dib ayay ahayd markii la duqeeyay garoonka Muqdisho. Arimahaan oo is biirsaday ayaa shaki wayn galinaya shacabka Muqdisho, waxana jira shakiyo isa soo taraya oo ku wajahan dadkii ka tirsanaa madaxda maxaakimta isla markaana la shaqaynayay dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya.