M.C.Yusuf..vs ..X. Ceydiid... Caqligii Wanaagsan Itaal Inuu.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

M.C.Yusuf..vs ..X. Ceydiid... Caqligii Wanaagsan Itaal Inuu.

Post by Daanyeer »

Xubnaha baarlamanka ee Nairobi oo hadalkii ka soo yeeray Xuseen Caydiid ku tilmaamay dembi qiyaamo Qaran ah


Xubnaha baarlamanka ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Xuseen Maxamed Caydiid ra'isul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka aarimaha gudaha ee ahaa in dowladdu wado qorshe lagu mideynayo Itoobiya iyo Soomaaliya uu ahaa mid qiyaamo Qaran ah xad gudubna ku ah Qaranimada iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigeen, inkastoo Xuseen Caydiid uu markii dambe sheegay in hadalkaasi saxaafadu ay u si qaldan uga turjuntay

Xildhbaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah tiro xildhibaano ah oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay uga digayaaan in la doonayo in dalkooda la iibsado laguna daro dal kale oo cadow ah, ayna ugu baaqayaan iney u diyaar garoobaan difaaca dalkooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan ku boorineynaa inta goori goor tahay inay ka hortagaan isticmaarka cusub ee la doonayo in la hoos geliyo kaasoo ah shirqool ay maleegayaaan cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kuwo u adeega, baarlamankuna ma ansixin ciidamo saf hore ah in la keeno ee wuxuu ansixiyey in ciidamo caalami ah la keeno Soomaaliya tiina waa laga booday waxaa shaqeynayaa maaha talada shacabka ee waa talada shaqsiyaad daba dhilif u ah Itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo sheegay in inta ay naftu ku jirto iyo wixii ay tari karaanba ka qaban doonaan sidii dalka looga samata bixin lahaa cadowga afka ku soo kala haya sida uu hadalka u dhigay.



Cabdixakiin Cilmi Xasan , Muqdisho, Somalia
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”