Demonstration in Xamar against TFG and disarmament,7 injured
Posted: Sat Jan 06, 2007 8:15 am
http://www.shabelle.net/2007/January/n10079.htm
7 ruux oo ku dhaawacmay banaanbaxyo rabshado wata oo wali ka socda Muqdisho
Daawo Sawirada
Mogadishu 06, Jan.07 ( Sh.M.Network) – 7 ruux ayaa dhaawac uu ka soo gaaray banaanbaxyo rabshado wata oo ilaa iyo wali ka soconaya qeybo ka mid ah caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo dibadbaxayadaasi ay dhigeen boqolaal dhalinyaro ah oo ka careysan qaabka dowladda Somalia ay ku sheegtay in ay hubka kaga aruurineyso dadka magaalada Muqdisho.
Banaanbaxaan oo ka bilowday saakay waabarigii isgoysyada Tarabuunka, KM4 ayaa ku fiday wadada wadnaha iyo wadada Towfiiq iyo agagaarka garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo taayaro lagu gubay.
Dibadbaxaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay kooxo dhalinyaro careysan oo gacmaha ku sita dhagxaan ay ku tuurayeen goobaha ganacsiga iyo gaadiidka Blka ah ee isaga gala goosha magaalada Muqdisho.
Dadka dhaawaca uu ka soo gaaray dibadbaxaan ayaa waxa ay isugu jireen kuwo banaanbaxayay iyo kuwo wadada marayay, iyadoo dhaawacoodana uu yimid, ka dib marakii dhagxaan ay kala hortageen ciidamada dowladda oo markii dambe rasaas ku kala eryay dadkii.
Ganacsatada qaar ee goobaha ganacsi ku leh meelaha uu dibadbaxa saameeyay ayaa iyaguna qoryo la soo baxay si ay u adkeeyaan amaankooda.
Dhalinyaradaan careysan ayaa wado kasta oo ay socod ku marayeen waxa ay ku gubayeen taayaro, iyadoona dhagxaan waaweyn lagu jaray wadooyinka si gaadiid aanu u soo marin.
Goobihii ganacsiga iyo Gaadiidka Blka ah ayaa hakad uu ku yimid dibadbaxaan oo wali ka soconaya caasimadda Somalia, iyadoo gaadiidka blka ah mararka qaar ay marayaan xaafadaha dhexdooda, waxaana lagu raacayaa qiimo ka badan intii hore.
Banaanbaxyadaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta dowladda Somalia ay qorsheyneysay in ay hub uruurin ka bilowdo magaalada Muqdisho si qasab ah, inkastoo arinkaasi dowladda ay dib u dhigtay, ka dib markii codsiyo uu uga yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banadir.