MUUSE SUUDI YALAXOOW OO KU SUGAN MAGAALADA HARGEISA

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

MUUSE SUUDI YALAXOOW OO KU SUGAN MAGAALADA HARGEISA

Post by fagash_killer »

Muuse Suudi Yalaxoow Oo Ku Sugan Magaalada Hargeisa Siweyna Loo Soodhoweeyay Laughing Laughing Laughing Laughing

(Hargeisa}6.1-07
Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa hoggaamiya-kooxeedyadii la baxay Isbahaysiga La-dagaalanka Argagixisada ee Maxkamadaha Islaamiga ahi ka qabsadeen Muqdisho June 2006, ayaa ku sugan magaalada Hargeysa ................................

Muuse Suudi Yalaxow waxa uu ka soo degey gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo sida wararku sheegayaan saraakiisha ammaanka ee Madaarku ay ku qabteen markii ay aqoonsadeen.

Lama garanayo halka uu ka yimi, waxaase la filayaa inuu ka soo kicitimay Dubai, dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, waxa aan caddayn ujeedada uu u yimi Hargeysa.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidanka ammaanka ee Madaarka Berbera ay u soo gudbiyeen Hargeysa, halka warar kalena ay sheegayaan in Suudi Yalaxow uu ku soo maray Hargeisa socdaal (transit) uuna u sii jeedo magaalada Muqdisho Isla markaana uu ku yimi hargeisa ogolaansho uu ka haysto xukuumadda isku magacawday somaliland, waxaana la dejiyey hotel Maansoor ee hargeisa.

warar hoose ayaa sheegaya in muuse suudi uu halkaasi kulamo kula yeeshay MasÂ’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe,iyagoo ka wada hadlay arrimo xasaasiya.

Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay inuu la kulmay Muusse Suudi yalaxow ,waxayna warar kale tibaaxay inuu Muusse Suudi la kulmay qaar ka tirsan Wasiiradda Xisbigga taladda hayo ee UDUB.

Bishii hore waxa madaarka Hargeysa laga celiyey Kiimiko oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Muqdisho, isla markaana madax ka ahaa maamul-goboleed laga dhisay Gobolka Mudug sannadkii hore oo socoto ku soo maray Hargeysa, isagoo u sii jeedey dalka Jabuuti,

wuxuuna maamulka hargeisa ku macnayey celintiisa in aanay u ogolayn dalka hoggaamiya-kooxeedyada isku haya Soomaaliya balse haatan muuse suudi uu kusugan yahay hargeisa isagoo waliba hotel ka uu ka degen yahay hargeisa ay ku booqnayaan qaar kamid ah wasiirada ugu sar saraysa maamulka iyo waliba saraakiil sar sare sida wararku nagu soogaadhayan.

Widhwidh Online News
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

Muuse Suudi Oo Safarkiisii Hargeisa Kadib Usoo Gudbay Muqdisho

(Muqdisho}6.1-07
Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsanaa Islbaheysigii laga itaalka roonaaday ee la magac baxay ladagaalanka argagixisada ayaa maanta dib ugu soo laabtay fadhiisimihii uu ku lahaa magaalada Muqdisho, kadib dagaal dhex maray Midowgii Maxaakiimta iyo isbaheysaigaa.....................................

Muuse Suudi oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa maanta kasoo dagay garoonka Magaalada Muqdisho, iyadoona ay si weyn ugu soo dhoweeyeen taageerayaashiisa.

Xildhibaan Muuse Suudi markii uu soo gaadhay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegay in uu ku furaxsan yahay dib usoo laabashadiisa, waxaa uuna intaa ku daray in dhowaan uu soo saaridoono war qoraal ah oo saxaafadda loo qaybindoono, mana carabaabin waxa uu ku saabsan yahay.

Muuse Suudi Yalaxoow ayaa yimi magaalada muqdisho kadib markii uu in mudo ah ku sugnaa dalka malaysiya iyo Dubai iyadoo kadibna uu usoo gudbay magaalada hargeisa halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay qaar katirsan masuuliyiinta maamulka hargeisa

Tan iyo markii Golihii Maxaakiimta uu gacantooda ka baxay gacan ku heynta goobihii ay ka talinjireen gaar ahaan magaalada muqdisho ayaa waxaa kusoo laabanayay hogaamiye kooxeedyadii ay horey uga saareen, iyadoona soo laabashada Muuse Suudi ay qeyb ka tahay arintaa.

Widhwidh Online News Desk........................
User avatar
highclass
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4987
Joined: Fri Oct 17, 2003 7:00 pm
Location: Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka

Re: MUUSE SUUDI YALAXOOW OO KU SUGAN MAGAALADA HARGEISA

Post by highclass »

[quote="fagash_killer"]Muuse Suudi Yalaxoow Oo Ku Sugan Magaalada Hargeisa Siweyna Loo Soodhoweeyay Laughing Laughing Laughing Laughing [/quote]

Weird Surprised
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

i didnt believe it till i read this

Somaliland oo sheegtay inay gogol dib u heshiisiineed u fidineeyso beelweynta.......si ay Aayahoodda uga tashadaan,ugana hortagaan qataraha ku wajahan.

Somaliland ,Axad ,January, 07, 2007 Waaga Cusub


Gudoomiyaha Xisbigga Mucaaradkaa ee UCID inj faysal Cali Waraabe ayaa beelweynta ****** ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danahoodda gaarkaa,ayna iska hilmaamaan isnacaybka cadawga maleegay ee dhexdooda ka jira.

“ Walaalaheehana....... waxaanu gogol dib u heshiisiineed u dhigeeynaa Hargeysa ,waxaana ugu baaqeeynaa inay noo yimaadaan oo ay ka tashadaan Aayahoodda ,sidoo kalana ka arrinsadaan sidii ay wadajir uga hortagi lahaayeen qataraha baaxadda leh ee ku wajahan”sidaa waxaa yiri Faysal Cali Waraabe oo wareeysi gaara siiyay Waagacusub.com


Faysal Cali Waraabe wuxuu ku nuuxnuuxsaday in reer Somaliland aad uga walwalsan yahiin in la gumaado beelaha...... marka hubka laga dhigo,wuxuuse dhinaca kala xusay inay si wayn u soo dhaweeyeen [b]Muusse Suudi Yalaxow una dhiibeen fariimo wax ku ool ah oo ku socdo dhamaan waxgaradka............


“ Waxaanu la soconaa in....... Xamar lagu kala iibinayo oo ay kala jaban yahiin,lana doonayo in beelba mar laga taqaluso,sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay inuu caqligu shaqeeyo,aqoonyahanadda....... istaagaan,dhamaan garabadda cuqdada kala dhextaalna is cafiyaan” ayuu yiri Injineer Cali Waraabe oo hadaladiisa xamaasad wayn laga dareemayay.


Si kastaba ha ahaatee hadalka Faysal ayaa ku beegan xilli kun askari oo reer Puntland ah ku sugan yahiin Muqdisho si ay hubka kaga qaadaan Ciidamadda reer Muqdisho.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

faysal ali waraabee is going against the goverment and tigre and thats a stupid thing to do ofcourse. tigre regime already saw how the leaders of sosocalled somaliland were going against the will of their tigre masters thus do they want that they all come under the rule of tfg. just read this

Madaxweyne Riyaale Oo U Ambabaxaya Berrito Booqasho Uu Ku Tegayo Addis Ababa, Itoobiya
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 7 January, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa lagu wadaa berrito inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo Addis Ababa, Itoobiya.

War rasmi ah lagama bixin socdaalka Madaxweyne Riyaale. Hase yeeshee, warar laga helay madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu berrito shir jaraaÂ’id qaban doono, kaas oo la filayo inuu kaga hadli doono socdaalkiisa Addis Ababa.

Wararka la xidhiidha socdaalku waxay sheegayaan in mudane Riyaale uu martiqaad ka helay RaÂ’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, isla markaana ay ka wadahadli doonaan arrimo la xidhiidha xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta Soomaaliya iyo waxa ka khuseeya Somaliland.

Socdaalka Madaxweyne Riyaale ayaa waxa uu ku beeggan yahay iyada oo uu gobolka ka socdo dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xawli ah, kaas oo lagu baadidoonayo sidii wadahadal loogu soo dabaali lahaa arrinta Soomaaliya, kadib hawlgalkii milateri ee ciidamada Itoobiya kaga fara-maroojiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah dhulkii ay ka talinayeen ee Koonfurta Soomaaliya, isla markaana uu Addis Ababa dib uga noqday maanta Madaxweynaha dowladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf oo halkaas wadahadal kula yeeshay RaÂ’iisulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi.

Col. Cabdillaahi Yuusuf iyo Meles Zenawi waxay ka wadahadleen – sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya – arrimo la xidhiidhi sidii loo ballaadhin lahaa wadahadalada dib u heshiisiinta, loogana qaybgelin lahaa “dhammaan dhinacyada Soomaaliya”, taas oo uu sheegay Ra’iisul wasaare Zenawi inuu ka caawin doono.

RaÂ’iisulwasaaraha Itoobiya, waxa uu dhowaan sheegay in Somaliland iyo Puntland ay la safnaayeen [dowladdiisa] duullaankii ay dhowaan ku qaadday Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, shir jaraaÂ’id oo saxaafadda lagu wargeliyey oo saaka lagu qaban lahaa Madaxtooyada ayaan qabsoomin. Shirkaas jaraaÂ’id oo aan hore loo sii sheegin cidda qabanaysa ayaa la wararku waxay sheegayaan inuu qaban lahaa Agaasimaha Madaxtooyada, kaas oo la sheegay inuu ka jawaabi lahaa shir jaraaÂ’id oo uu Khamiistii qabtay darawalkii hore ee Marwada Madaxweynaha, Abshir Xaashi oo soo bandhigay xogo u markhaati furaya fadeexad musuqmaasuq oo uu wargeyska Haatuf iftiimiyey in qoyska Madaxtooyadu ku lugleedahay, kaas oo sababay in la xidho tifatiraha iyo guddoomiyaha wargeyska Haatuf.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
User avatar
dhuusa_deer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8152
Joined: Wed Feb 09, 2005 4:13 pm
Location: Canada

Post by dhuusa_deer »

Laughing Laughing

Muuse Suudi is deep military stategist.


It's called the Pincer movement. Hawiyes from the South and Isaaqs from the North squeeze Dooros positioned in the middle until they squeel and cave in.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”