




Hogaamiye kooxeedyo maalmahaanba ku sugnaa Baydhabo oo maanta ku soo laabtay Muqdisho
Qaar ka tirsan hogaamiye kooxeedyadii magaaladan Muqdisho ee ku bahoobay isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada oo mudooyinkanba ku sugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo fariisin ku meel gaar ah u ah dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii halkaasi looga yeeray ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladan Muqdisho.
Hogaamiyeyaashan oo iyagu u badan kuwo ay horey magaaladan Muqdisho uga ceyrsadeen maxkamadihii laga awood roonaaday ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanada ay ka mid ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamed Max'ed Max'uud (Filish) iyo rag kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo xubno kale ayaa sida uu sheegay afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari waxaa hogaamiyeyaashan ay dowladdu kala hadashay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.
Qabqableyaashii dagaalka ee magaaladan Muqdisho ayaa intooda badan waxay dib ugu soo laabteen caasimada ka dib markii ay gacan ku heynta magaalada Muqdisho la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanayaa kuwa Itoobiya, isla markaana ay isaga baxeen kuwii maxkamadaha islaamka ee iyaga markii horeba meesha ka saaray, lamana garanayo sida ay nabad uga qeyb qaadan doonaan raggan oo u badan kuwo looga bartay kuna caan baxay hurinta dagaalada sokeeye ee ku dhisan beelaha iyo xasiloonida darada.
C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya
cabdishakuur48@hotmail.com