Page 1 of 2

WELCOME BACK WARLORDS, WELCOME BACK.

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:24 pm
by DawladSade
they prolly planned how to get back their militias and kick someone out of villa somalia Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing


Hogaamiye kooxeedyo maalmahaanba ku sugnaa Baydhabo oo maanta ku soo laabtay Muqdisho

Qaar ka tirsan hogaamiye kooxeedyadii magaaladan Muqdisho ee ku bahoobay isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada oo mudooyinkanba ku sugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo fariisin ku meel gaar ah u ah dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii halkaasi looga yeeray ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladan Muqdisho.

Hogaamiyeyaashan oo iyagu u badan kuwo ay horey magaaladan Muqdisho uga ceyrsadeen maxkamadihii laga awood roonaaday ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanada ay ka mid ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamed Max'ed Max'uud (Filish) iyo rag kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo xubno kale ayaa sida uu sheegay afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari waxaa hogaamiyeyaashan ay dowladdu kala hadashay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

Qabqableyaashii dagaalka ee magaaladan Muqdisho ayaa intooda badan waxay dib ugu soo laabteen caasimada ka dib markii ay gacan ku heynta magaalada Muqdisho la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanayaa kuwa Itoobiya, isla markaana ay isaga baxeen kuwii maxkamadaha islaamka ee iyaga markii horeba meesha ka saaray, lamana garanayo sida ay nabad uga qeyb qaadan doonaan raggan oo u badan kuwo looga bartay kuna caan baxay hurinta dagaalada sokeeye ee ku dhisan beelaha iyo xasiloonida darada.



C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya
cabdishakuur48@hotmail.com

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:25 pm
by DawladSade
MUQDISHO: Hoggaamiyeyaashii dagaalka oo mar kale dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho
Posted to the Web Jan 11, 16:47

Muqdisho (PP) - Inta badan hoggaamiyeyaashii dagaalka ayaa waxay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho maanta, kaddib marki ay dhawaan gaareen magaalada Baydhabo oo xarunta Dowladda ah.



Hoggaamiyeyaasha maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi-Waal), Col. Cabdi Qaybdiid iyo xubno kale oo fara badan.



Sidoo kale maanta ayaa waxaa lagu waday inuu yimaado Magaalada Muqdisho Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar, balse waxaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimid imaansho uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho, waxaase la sheegay in dhawaan uu dalka dib ugu soo laabanayo.



Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga qaybgaleen Magaalada Baydhabo kulammadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka, waxaana xubnahaan markii hore ugu yeeray Baydhabo Madaxweynaha Soomaaliya, lamana garanayo sababta dhabta ah ee keentay in ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho xilligaan oo uu ku sugan yahay caasimadda Madaxweynaha Soomaaliya.



Xafiiska Isku xirka Bulshada iyo Dowladda oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa ayaa waxay soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in dowladda la taageero, maadaama ay dowladdu soo dagtay muddo dheer kaddib caasimadda.



Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) ayaa isagoo ka hadlayay nabad lagu soo dabbaalo Muqdisho wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Magaalada Muqdisho, isla markaana la taageero dowladda Federaalka Soomaaliya.



Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:27 pm
by AbdiWahab252
Dowlo:

How is Qeybdiid a warlord ?

He has NEVER signed a peace agreement or attended a peace conference.

Cisman Caato is a warlord.

Qeybdiid is a Sacad Elder.

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:29 pm
by Enemy_Of_Mad_Mullah
[quote="AbdiWahab252"]Dowlo:

How is Qeybdiid a warlord ?

He has NEVER signed a peace agreement or attended a peace conference.

Cisman Caato is a warlord.

Qeybdiid is a Sacad Elder.[/quote]


ma waxaas baad moodikartaa inaad naga dhadhicin kartid?

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:31 pm
by DawladSade
AW


When he went to Abudwak, qeybdid cried when he was asking for forgiveness. He said it wasn't him during those times, it was a shaydaan and he said god had got back at him because the same ppl he was committing shaydaan acts for were trying to kill him today.

We just forgave the miskiin.

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:33 pm
by AbdiWahab252
Dowlo:

That's good.

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:36 pm
by DawladSade
here he tells hornafrik starting 5:20


http://hornafrik.com/Audio/qaybdiidnov19.ram

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:40 pm
by Gedo_Boy
DawladSade:
Archive Officer and Historian for Marexaan Affairs.


That reminds me of Abti ina Ugaas in Tdot. I asked him once where my sub sub clan settles and he told me the well they drink @.

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:40 pm
by AbdiWahab252
Mashaallah !

My Wargadhac Ayeeyo would be proud

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:41 pm
by DawladSade
ina Ugaas Confused

brother to Ciise Ugaas or Cumar Ugaas Confused

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:41 pm
by *+*Bliss+*+
Laughing Laughing Laughing Laughing

hutu asking faqash for forgiveness

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:42 pm
by DawladSade
[quote="AbdiWahab252"]Mashaallah !

My Wargadhac Ayeeyo would be proud[/quote]


i am almost sure the civil war could be over if we all sat down under a geed somewhere wallahi. i am 100% sure.

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:45 pm
by AbdiWahab252
Dawlad:

I forgive u.

Do u forgive me ?

Laughing Laughing

What we need is for people that live next to each other to make peace under a tree ?

No huge conferences

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:47 pm
by DR-YALAXOOW
abdi qeybdiid is a crminal massmurdera worst warlord ever..

abdi qeybdiid the man who killed general AYDIID..

abdi qeybdiid waa ninkii MADFACA suuqa bakaaraha ku tuurey hal maalin 89 qafood dumar iyo caruur ku diley.

abdi qeybdiid waa fircoon soomalida loo soo direy. maba jiro warlord ka aqlaaq xun.

waa inangumeed abdi qeybdiid ,qof aan damiir laheeyn.


qabqablayaasha xamar ka jira

CUSMAAN CAATO = waa common tuug.. laakiin maaha dilaa. mana aha nin sida abdi qeybdiid oo kale lafaha ka jiran.

MUUSE SUUDI YALAXOOW ADEERKEEY= dhibaato kale ma heeysato ninkaa kaliya isagoo 7 jir ah ayaa baabuur dardarey, marka xoogaa maskaxiyan waa jug.laakiin muuse waa nin qalbi fiican, kaliya maskaxda ayuu wax ka qabaa..

MAXAMED DHEERE=waa tuug xitaa walaashiis iibsanaya. waa dabaaal .dhaadhaan ,kaas warbixin baddan uma baahna just loook wajigiisa siiba camankiisa.. cunug baac ah ayuu u eg yahay Laughing Laughing


INA CEYDIID=LITTLE GORRILA cunuag mareykanka ayuu ku fasahaadey waa saaqid BATROOL STATION sandiago california ayuu ka shaqeyn jirey 1980s iyo horaaantii 90s gawaarida ayuu OOLYADA ka badali jirey..cunuga waa lagu qasaaarey..


QANYARE= qof aan waligiis school dhigan, jaahilnimada aabaheed, waa nin daneeyste ah, ciyaaal isbaaro 60 jir ah Laughing Laughing

CUMAR FINISH=nin maskax fiican runtii wuxuu ahaa macalin PP ah ninka ugu roon dadka loo yaqaan qabqablayaasha..


ABDULAAHI BIIJO= QABIILIISTE 80 jir ah wareersan cuqdad xun ay dilatey, jaahil gacanku dhiigle ah aan laheeyn damiir islaaminimo iyo mid soomalinimo.. nin AXMAAAR madoow biijo weeyn. sheeydaaan socda.


CALI GEEDI?= FOREMR ISBATOORE CIIDANKA NSSS jaajuus ayuu ahaa 1980s marku dhiganayey jaamacada xamar kuliyada xanaanada xoolaha ,ardeyda kacaanka diidka ah ayuu geeyn jirey magacyadooda iyo waxa ay ku hadlaaan xarunta dhexe ee sirdoonka.. waxaana loogu abaalgudey in SHAHAADO BEEN AH JAAMACADEED LA SIIYO..
shaqadiida rasmiga waa isbatoore ama 3 xarigle ciidanka NSS somaliyeed.. waa been jaamacad ayuu ka baxey.


SALAAD CALI JEELE= 1980S wuxuu QARRE ku iibin jirey xamarweyne gaaricagan ayuu la taagnaan jirey halkaa, HABEENKIINA shaqadiisa waxay aheeyd guryaha ayuu jabshan jirey,maanta waa madax Laughing Laughing Laughing

Posted: Thu Jan 11, 2007 4:48 pm
by DawladSade
Abdiwahab

where have you beeb? i have become Hawiye protector around here, its my way of bridgin the gap. Laughing