"Aqoonyahanadan waxay kaloo soo bandhigeen sida kaliya ee Soomaliya loola mideynkaro dalka Ethiopia ay tahay in marka hore Soomaliya laga hirgaliyo aqabad la mid ah qilaafka qowmiyadeed ee ka jira dalka Ethiopia, loona kala qeybsho shan ilaa lix states, kadibna mid mid loola mideeyo dalka Ethiopia. Waxey kaloo aqoonyahanadan ay soo jeedsheen in dowlada Ethiopia madaxbaani dadban ay siiso qowmiyadaha ku hoos nool sida; Soomalida, Oromada iyo Afarta, kadibna dhamaan qowmiyadhaas oo ay soo wehliyaan Djobuti iyo Eritrea lagu mideeyo daladda Regional Integration on Horn of Africa. Hadaba isbayehsigaan ku dhisan midnimada geeska Africa, aqoonyahanadan waxay ku saadalsheen sidii lagu baajin lahaa mustaqbilka dhow burburka iyo kala daadashada ku soo wajahan dalka Ethiopia ee salka ku heysa ismaandhafka qowmiyadeed ee ku hor gudban midnimada Ethiopia, naabadguurka baÂ’an ee ka jira dalkeeda iyo dhulkeeda qafilan ee ka oodan dhinacyada xeebta oo dhamaantooda aan suurta galin karin kocobka dhaqaalaha Ethiopia ee ku jaangoÂ’an quudinta shacabkeeda balaaran iyo isku heynta midnimada Ethiopia."
For those who doubted TFG putting a Price tag on SOmalia!
