
Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya ilaa 6 qof ayaa dhimatay tiro kalena wey ku dhaawacmeen markii afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ay tacshiirad xooggan isku weydaarsadeen ciidamada dowladda ee ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada iyo maleeshiyooyinka ilaalo u ahaa Maxamed Qanyare Afrax iyo Cumar Filish xili uu halkaasi kulan uga socday inta badan hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho iyo masÂ’uuliyiinta sare ee dowlada oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo raisul wasaaraha kaasoo looga hadlayey sidii ay hogaamiyeyaashaasi ay hubkooda ugu soo wareejin lahaayeen dowladda federaalka.
Tacshiiradan oo socotay 20 ilaa 30 daqiiqo ayaa timid markii maleeshiyooyoinka ilaalada u ahaa Maxamed Qanyare iyo Cumar Filish oo isku dayayey iney gudaha u galaan xarunta madaxtooyada ay arintaasi iska hortaageen ilaalada madaxtooyada taasoo keentay in labada dhinac uu soo kala dhex galo muran la xiriira arintaasi oo markii dambe isku bedelay gacan ka hadal, waxaana la sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay badnaayeen ilaalada hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad rayid ah oo la soo sheegayo iney waxyeelo ka soo gaartay rasaas habow ah oo ugu tagtay goobo ka baxsan halka ay is rasaaseyntu ka dhacday ee xarunta madaxtooyada.