Reer Sool Sidee bay u arkaan dowlada Soomaaliyeed
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Reer Sool Sidee bay u arkaan dowlada Soomaaliyeed
Waxa maalmahan muuqda in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka murugaysanyihiin waxa ka socda dhulkeenii iyo duulaanka qaawan oo laynagu soo qaaday. Qof fikirkiisa qoraal ku muujiya iyo mid gabay ku muujiyaba waxa badankooda ka dhadhamaysa in Soomaali oo dhami waxan ka masuul tahay. Waa idinku raacsanahay in cadurka Soomaalidu qabto oo la yiraahdo qabyaalad uu jabkeenna aabe u yahay. Tix yar oo aan beri tiriyey bay ka mid ahaayeen ereyadani, waxaana u arkaa in ay qabyaaladu ka mid tahay cudurada lakala dhaxlo ama la kala firsado:
Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge
Ina fagatay cadowgeenna waa, faas u hawl galaye
Ka fogaada waa cudur waqii, noo fidhsada gaare
Waxaan jeclaan lahaa, in aynu xasuusnaano in waxa maanta ina haysta ay ka masuul yihiin, dad tirsan oo isugu jira: tuug, munaafiqiin, calooshooda u shaqaystayaal, jiri, mooryaan, dabadhilif iyo khaaimiin oo ah kuwa u daran iwm. Waxaana ii muuqata markii qabyaaladu ina dishey oo aynu dhimanay in dugaagaasi maydkii Soomaalida sida geeltoosiyaha kala jiidanayaan. Habardugaag marka uu raq isugu yimaado waxa inta kale didiya libaaxa, bakhtiyahiigyadan aan soo tiriyeyna libaaxoodu waa dhabadhilif iyo khaain.
Laakiin, yaana la ilaawin in dadka Soomaaliyeed inta fayow iyo inta bugta inta fayoobi badantahay, bohol hadimo nin qodayna isagu ku dhici doono insha allaah. Waxaan ku darsanayaa maanta dagaalka qalinka gabaygan gaaban:
Duq gaboobey goor ay hurdado, soo degdegiweydey
Dirirkiyo haddii uu xidkaha, daawasho u aado
Ama diillin-caanood saqdhexe, dawga socoteeyo
Inkastuu yaraan door ahaa, diiq bidhaansiguye
Hadba meesha uu dayo haddii, ciiro yare daahdo
Doobnimo la dhaafuu hammiga, dib u xasuustaaye
Aniguna sidii daran horweyn, waayo laga daahshey
Ay dalawadii jeel murkaha, daafta marinweydey
Oo dibir jidhaanliyo xareed, dooni aragooda
Axmed gurey raguu duuliyiyo, duubcad baan jamane
Dabkii gurey xuseen iyo mataan, baygu soo duxiye
Sayid iyo darwiish iyo sengaa, dookhu tebayaaye
Danabtii lahayd calangubiyo, faarax baan deyiye
Digrigii bashiir iyo xarbaa, daahir ii noqone
Xornimada kuwii loo deldeley, yaygu soo degiye
Sida hooyo door ay dhashiyo, saygi laga dooxay
Oo digasho waartiyo xumaan, lagu dambaysiiyey
Aan duudsigaa helay arkayn, cid u dadaalaysa
Dalkayagu ka oy labada gelin, diifta uu qabo e
Waa kaa ilmada duugayoo, diilalyuu dhimane
Darar iyo hadduu xoodh lahaa, waa dacgudhayaaye
Maatadan sidii kayn dab galay, ololku diiraayo
Oo dawladay dhawrayeen, maanta dabar goysey
Oo kii jidhkiisu u danqado, daalin lagu sheegi
Waa waxan damiirkiyo caqliga, nooga daadegine
Ninka shalay adoogaa dilee, adi ku soo doontay
U dulqaado waa ceeb hadaad, daawo leedahaye
Waa iga digniin ereyadaan, soo dawinayaaye
Dakhar iyo intii uumiyaha, doog la kiciweydey
Ama qolo dufowdoo xiskii, laga dabayl-raacshey
Ama calan la duuboo sidii, derinta loo laabay
Ama dunida reer door ahaa, dabin ku aynfaadey
Nin shisheeye soo daadahshaa, loogu dawgalay e
Qofka khaain daaniyo dhibkii, laga dahsooneeyey
Oo waa danaystee u fili, diric walaalkiis ah
Daabgudin ha fiirsado siduu, damal u naafeeyey
Onkod wuxu daryaamana afeef, diillin baw xigiye
Dabka dhibicda soo raacayaa, daray la qiiqaaye
Anna ararta waxan daaliyoba, dulucdu waa meele
Soomaali duugeed intuu, meel dayacan yaalo
Ama dalow afkii lagu wadiyo, daaman gudohooda
Uu doqon cadaawe u tashaa, dabarka qoolaayo
Marna toosa kama deynayiyo, weerka haw dagane
Kol hadday daruurtii cusbayd, darab biyaynweydey
Oo kaan cadaawe u dabnayn, duurka lagu toogtey
Oo diricyadeenii hawada, laga duqaynaayo
Oo duunyadii laga meteley, ururo duulaan ah
Aan degel fayow lagu ogayn, wabiyo daantooda
Inkastoo allaa daaimee, diifi nagu raagtey
Aan xeer na deeqiyo samaan, cidina diidaynin
Oo nabad duqodiyo wanaag, uunku wada dooni
Mar hadday dugaag keensadeen, duban carruurteena
Oo diinta eebbiyo salliga, la isu diidaayo
Oo talo intii door ahayd, xabashi loo daayey
Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
Dr. Abdullahi Hassan Mohamud
(Abdullahi Spanish).
Email: indhagube@yahoo.es
Xigasho: Somalitalk.com

This man is a respected and well educated Dhulbahante man. But I dont think his views are well thought out. he is being a bit hasty and emotional.
He is a Phd holder in Geology. He is Maxamuud Garaad, Wacays Cabdille with a spanish wife, with whom he has a few kids.
Nothing wrong with Nationalism, but what if there is no nation? What if there is no state? What if the people have become beastly habar dugaags?
He is a Phd holder in Geology. He is Maxamuud Garaad, Wacays Cabdille with a spanish wife, with whom he has a few kids.
Nothing wrong with Nationalism, but what if there is no nation? What if there is no state? What if the people have become beastly habar dugaags?
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Cawar,
I think the main motivation is to be on the right side of history. If things go balls up they want to say 40 years from now: let the record show that I made a stand against the Ethiopian invasion. But there is no chance that things can go balls up. Because Somalia is already at Bottom Dead Centre in every category of human development.

- Sir-Luggoyo
- SomaliNet Super
- Posts: 7827
- Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
- Location: Baar Luga Baxsi
Cilmiile,
Are you serious? What is to wait? History is unfolding right under our noses and you will be written which page you choose. If this isn't the right time to voice your opinion, I don't know when is.
If we are talking in genuine notes, unbiased, nationalistic temprement, then we have to condemn the stark invasion of our historic nemesis and the stooges he used as a catapult, history should confine and condemn these men as the ones who sold the country, the dignity, the name and the nationhood of Somalia.
I agree with the author, especially this part
Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
Are you serious? What is to wait? History is unfolding right under our noses and you will be written which page you choose. If this isn't the right time to voice your opinion, I don't know when is.
If we are talking in genuine notes, unbiased, nationalistic temprement, then we have to condemn the stark invasion of our historic nemesis and the stooges he used as a catapult, history should confine and condemn these men as the ones who sold the country, the dignity, the name and the nationhood of Somalia.
I agree with the author, especially this part
Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
- kambuli
- SomaliNet Super
- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Cilmiile,
I know Cabdilaahi Xasan in person...He is a true nationalist...Does not care what his clan may think does not care what people will say about him. But no matter what the cause is when it is between a Xabashi and a Somali he is with the Somali... Unlike some people who are crying crocodile tears, whose voice is just to stir Somalis against each other, who are themselves ok with the Xabasha...After all he is a Darwiish...

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 988 Views
-
Last post by DONKEYMAN
-
- 7 Replies
- 1506 Views
-
Last post by Coeus
-
- 1 Replies
- 1071 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 10309 Views
-
Last post by watchmenow
-
- 18 Replies
- 3405 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 0 Replies
- 774 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 548 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 0 Replies
- 2 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 4 Replies
- 584 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 27 Replies
- 1763 Views
-
Last post by muftaax