Page 1 of 1

01/20/07:Ethiopian & TFG Militia Attacked In Mogadishu!

Posted: Sat Jan 20, 2007 12:59 am
by muslim-man
Wararka

Ciidanka DFKMG oo saakey la weeraray
20 Jan 20, 2007, 00:33

Dhawaaqa rasaasta kala duwan ayaa saakay laga maqlayey xaafadaha Muqdisho, kadib markii weerar xoogan oo gaadmo ah lala beegsaday ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiyaanka oo marayey agagaarka Suuqa Xoolaha.

Dagaalkan oo la isku adeegsanayey hubka nooyadiisa kala duwan ayaa waxaa la maqlayey qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda kala duwan, iyadoo mudo 20 daqiiqo ah ay socotay rasaastan, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa.

Dagalkan saakay ka dhacay suuqa Xoolaha iyo Huriwaa ayaa lasoo sheegayaa in uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo aan si rasmi ah loo sheegi karin tirada dhimashada iyo dhaawac ee soo gaaray dadka rayidka iyo kooxihii dagaalamayey.

Xalay ayey aheyd markii madaafiic lala beegsaday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasi oo burbur uu kasoo gaaray guryo ka agdhowaa Villa Somalia xiligaas oo uu ku jiray Madaxweynaha Soomaaliya

Cali Muxiyaddiin Cali

http://www.garoweonline.com/stories/pub ... 7156.shtml

Posted: Sat Jan 20, 2007 1:11 am
by Gamadid.
Damn! this is bad news.

Posted: Sat Jan 20, 2007 4:26 am
by Ugaas Diini
Interesting. I look forward to seeing how things turn out in the near future for the TFG.