Page 1 of 1

Prof Cali Khaliif Galaydh: Out with Ethiopia, In with Sharif

Posted: Mon Jan 22, 2007 8:20 am
by highclass
(Ohio}22.1-07
Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan kasoo laabtay gudashada Xajka isla markaana soo gaadhay Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in xaalada dalka Somaliya ay mareyso meeshii ugu darnayd loona baahan yahay raga madaxda ka aha dalka in ay ka fekeraan mustaqbalka shacabka..........................................

Cali Khaliif waxaa uu cadeeyay in xalka Somaliya Aanu ku jirin joogitaanka ciidamada Ethiopianka ee gudaha Somaliya,waxaana wax lala yaabo uu ku tilmaamay sida madaxda dowladda somalia ay dalka ugu soo hogaamiyeen waxa uu ku sheegay cadow soo jireen ah.

Masuulkaasi Somaliga ah oo haatan Jaamacad ka dhiga dalka Mareykanka waxaa uu usoo jeediyay madaxda dowladda Somalia in ay dalka ka saaraan ciidamada Ethiopian-ka hadii ay doonayaan nabad ka dhalata Somaliya oo ay xukuumadoda ku shaqeyso.

Dhinaca Kale Cali Khaliif Galaydh waxaa uu amaanay gudomyihi Baarlamanka ee xilka laga qaaday Shariif Xasan Sh.Aadan isagoo tilmaamay in uu ahaa nin macquul ah oo siyaasada nabada ku dheeraaday isagoo soo qaaday heshiiskii Muqdisho uu kula gaadhay Madaxdii Maxaakimta.

Waxaana xilka qaadistisa uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn isla markaana aan u adeegeen shacabka Somaliyeed,isagoo ku taliyay in dalka sida uu ku socdo laga joogsado,waxaana uu ka digay in mar kale Somaliya ay gasho musiibooyinki soo maray.

Cali Khaliif Galaydh waxaa sidoo kale uu u rajeeyay shacabka Somaliyeed meel waliba oo ay joogaan in ay nabad ku noolaadaan waxaana uu ku booriyaya mar waliba in ay la shaqeeyaan kooxdii nabad dooneysa ayna iska daayaan qabiilka iyo wixii lamidka ah.

Widhwidh Online News Desk
http://www.widhwidh.com/html/modules.ph ... e&sid=6560

Posted: Mon Jan 22, 2007 8:25 am
by Bazuuka
^^High class only Dhulbahate reads widh widh no one else cares their rubbish Laughing

Posted: Mon Jan 22, 2007 8:28 am
by highclass
Bazuuka aka COSTA


You are half Ethiopian right? That says it all Laughing Galaydh is anti Ethiopiand and pro ICU and you are the opposite