Haweenka Muqdisho...
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

......Ma Madaxtooyadii aan Waddani Maxamed Siyaad ka Ceyrinnay baannu Wayaane Mbagathi ku Maamuusnaa
-----------------------------------------------------------------------
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa la sheegay in haweenka Muqdisho oo qaarkood ka caansanyihiin dagaaloogayaasha, qaarkoodna uba dhaxaan isla dagaaloogayaasha ay shir ku yeesheen Xamar. Mid haweenkii ka mid ah oo aad looga yaqaan Muqdisho lehna neynaas caan ah baa tiri:
Ilaahoow inkaar ku rid nimanka haaweyda ah ee reer tolkeen. Waa nimankii madaxtooyada Soomaaliya ka saaray Maxamed Siyaad. Waa nimankii laayey Soomaalidii dariskooda ahayd. Waa nimankii kala raacay Cali Mahdi iyo Caydiid. Waa qoladii ukala dhuuntay Itoobiya si ay iyagu isu laayaan. Waa qoladii afarta bilood isku garaacayey Xamar. Waa qoladii diiday madaxtinimada C/Qaasim. Waa nimankii inta sirdoon reer Galbeed ah iyo Xabashi adeegsadeen damcay iney gataan culumadooda. Waa nimankii markii maxkamaduhu islaaxiyeen dhulkey degaan oo laga waayey xitaa hal isbaaro u yeertay Itoobiya iyo korneyl C/hi.
Haweeney kale baa soo jeedisay in haweeney kasta ooy qabaan nimankaas Xamar u badan ay iska fasaqdo kaddib markii ay ceebeeyeen hankii muslimiinta, Soomaalinimo iyo kii qabiilkooda.
Mid kale waxay tiri: waa inaan joojinnaa ganacsiga aan ku jirno maaddaama ay haaweyda na horboodeysa ay hoosta noo soo gasheen gaalo iyo gaalo-raac. Waxay tiri waxaa iigu qosol badnaa markii Cabdi Qeybdiid Gaalkacyo tagay wuxuu reer tolkiis ku beerdulucsaday inuu hubkiisa la wareegay nin “laangaab” ah oo Raxanweyna isagoo ka waday Abuu Mansuur! Waxay haweentu tiri: soow hadda hogaamiye kooxeedkeennii hubkooda kuma wareejin Naaji? Mise gaalo-raacyadii calooshooda u shaqeytayaasha ah ee Puntland laga keenay?
Mid kalaa tiri: markii wadaadadu dhaheen hubka dhiiba waxay ka xigsadeen dagaal laakiin hadda markey C/hi arkeen waxay hubka u wareejiyeen si nabad ah. Bal mey hubkayaga noo daayaan oo haddaysan qaadikarin annaga noo dhiibaan! Soow hadday hubka dhigaan annaga (haweenka) oo kale ma noqonayaan?
Mid kalaa hadalkii ka daftay oo tiri: naa waa Ilaahay mahadii oo awalba hubka uma heysan iney qeyrkood wax kula qabsadaane waxay u heysteen iney reer tolkood isbaaro u dhigtaane noo daa oo iyagoo gacmo bannaan ilmaha hanala hayeene!
Halkaas markey arrintu marayso ayaa waxaa hadalkii dib ugu soo noqday haweentii shirguddoomineysay iyadoo sheegeysa in maanta laga bilaabo ay dumarka Muqdisho ku dhawaaqeen muqaawamo iyo iney ka dhinacdagaalamaan shacabka xaq-u-dirirka ah oo ay wadaadadu hormuudka u yihiin. Waxayna ka codsatay in mid walba ay iibiso dahabkeeda iyo agabka guriga u yaal si gaalada iyo gaaloraacyada looga saaro Xamar.
Mid kale waxay tiri: dagaaloogayaasheennu waxay noqdeen jaranjaro uu korneylku ku gaaro kursigaas. Wuxuuna ku wajahayaa hanjabaado iyo quursi.
Mid kalaa tiri: markii Zenawi uu rabay inuu Xamar soo weeraro wuxuu kala qaaday ciidamadii Somaliland iyo Puntland laakiin hadda markuu gaaray dantiisa wataas la leeyahay waxaa dib u bilaabmaya colaadii u dhaxeysay labadaas gobol.
Haween kalaa tiri: Bal fiirsha sida Zenawi u necebyahay shacabka Xamar. Waxay tiri wuxuu u yeelay Puntland iyo Somaliland hal hal nin halka uu Xamar iyo nawaaxigeeda ku soo celiyey wixii dagaalooge isbaaro dhiganjiray oo dhan.
Falanqeyn dheer kaddib waxaa haweenkii isku raaceen in hogaamiye kooxeedkoodu yahay kuwii ugu liitay ee abid Soomaaliya soo maray. Waxayna ku sheegeen iney tahay arrin markhaati-ma-doonto ah.
Mid kalaa tiri maaddaama nimankeennu xaabo yihiin waa inaanu biloownaa muddaharaadyo aan kala joogsi lahayn oo innaga iyo carruurteennu bilowno. Labo faaÂ’iido baa ku jirta:
Waxaynu nahay dad aan hubeysneyn oo ma filayo in gaalada iyo gaalo-raacyadu ay naga baqaan oo na horjoogsadaan.
Tan labaadna maaddaama Itoobiya uu kaligi-taliye xukumo sidoo kalana ay gaalo-raacyadu ka amarqaataan nin fudud ayey suurtagal tahay iney laayaan dumarka iyo carruurta. Marka taasi waxay hurineysaa in nimankii xaabada ahaa ay kacaan oo ay muqaawamo sameeyaan.
Haweeney u dhaxda dagaalooge baa tiri: inkastoo nimankeennu sifooyinkaas xun xun leeyihiin hadda waxaan aamminsanahay iney turubka la ciyaarikaraan C/hi. Waxaa dhici karta inta uu ku marqaansanyahay dhexfadhiga madaxtooyada ay u maleegayaan dabin kale ooy rabaan iney kaga takhalusaan. Horay baa niman reer tolkiis ah oo rabay iney reer tolkeen iska kaxeystaan inta loo dagay, dhegta dhiigga loo daray.
Waxaan aaminsanahay in dumarka saas yeelay ay masiirka Xamar kaga habboonyihiin dagaaloogayaasha ayna dhiiragelin u tahay ragga Soomaaliyeed iskaa dumarka keliyee.
Haweeney kale oo daÂ’ ahayd baa inta ooyday nacaladday dagaaloogayaasha Xamar. Waxay tiri: war wuxu soow maaha kuwii labada jeer dililahaa Cali Maxamed Geeddi? Waxay tiri haddaan C/hi la soconlahaynna wey isku dayilahaayeen mar seddexaad. Inkastoo Cali dhowr maalmood Xamar uga soo horreeyey C/hi haddana C/hi dartiis bey shirqool ugu sameynwaayeen. Hal marna ma isku dayeen iney C/hi dilaan waa isaga maalin kasta intaas oo odey shirinayee?
Waxay haweenkaasi isku raaceen iney hal warqad ugu qorayaan Geeddi iyagoo leh kolley haddii cadow naloo isticmaalay waxaan u baahannahay in sida Puntland iyo Somaliland uu hal nin na xukumo. Marka haddii uusan isagu na xukumikarin haddee inta naga qabto dagaaloogayaasheenna inkaarta qaba hanoo khasbo C/hi oo keliya.
Dumarkaasi waxay isku rajogeliyeen in goor ay ahaataba ay C/hi dhagax kaga saaridoonaan madaxtooyada. Waxay gabagabadii u duceeyeen maxkamadihii iyagoo leh: Ilaahoow soo aruuri oo soo celi waxay na tuseen Islaamnimo, nabad iyo waddaninimo.
By: Cabdulwaaxid Khaliif

- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
- Karbaash_killa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3672
- Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
- Location: Wisil, Galmudug State of Somalia
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
-
- SomaliNet Super
- Posts: 14602
- Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
- Location: Praying for peace in the south.
maanteey aabahii garashada "wadani" ugu wacaayaan. oo yeey beer jileec waxaas uga raadsanaayaan?
amxaaro ninkii idinka celin jiray, baadiyaha idinka keenay, magaciina sida loo qoro idin baray, somaliweyn usoo halgamay, somali isu keenay xabad ugu abaal gudeen marka maanta waxba calaacal hanala soo aadine mooryaan yahay isbaheeysatay.

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 390 Views
-
Last post by zulaika
-
- 2 Replies
- 558 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 230 Views
-
Last post by KingBlack
-
- 1 Replies
- 566 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 1 Replies
- 719 Views
-
Last post by COSTA
-
- 2 Replies
- 827 Views
-
Last post by DONKEYMAN
-
- 4 Replies
- 1041 Views
-
Last post by highclass
-
- 2 Replies
- 373 Views
-
Last post by Babygirl-