HELWAA & SAKHRAAN THEIR SONG....PART 2

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

HELWAA & SAKHRAAN THEIR SONG....PART 2

Post by Sakhraan »

SAKHRAAN:


Qofba waayihiisa
Ileeyn meel ku waaboo
Waynu kala fogaanee
Miyaan kuu waramey wali?

HELWAA:

Mayee ii wad sheekada

SAKHRAAN:

Sow markaan ku waayeen
Wacan ku arki waayaba
Sidii waa aroor hore
Walac tidhi cadceedii
Warmihiyo gantaalaha
Wac kusiisey dunidii
Wajigaaga nuurka lihi
Iimuu widhwidhi jirin.

HELWAA:

Waah! Waah! Waah!
Waabad iga darneeyd shoow!.

SAKHRAAN:

Waxa aan wadeen
Isla waayi jirey waa;
Ayaamahaaga oo wacan
Wakhtigeyga oo san
Inaan wada jirnaa dabeetana
Sidii wiyil iyo dhasheed
Wabiyada kalgacal
Aan wada dhanaa
Aan wadaagno samo Wacan!

HELWAA:

Koleey dunida waayaha
Ileeyn lagama waayoo
Wadka lama huraayoo
Wax miyeey ku gaadheen wali?

SAKHRAAN:

Mayee ii wad sheekada!

HELWAA:

In jaceeylku waynyahey
Wadaadaadu xadiiska
Sida ay ka wariyeen
Waxa layidhi asxaabtii

Wiilasha indha gabadh
Waayeel ka heli jirey
Waatii usaartee
Ugu keentey weelkee

SAKHRAAN:

Waah! Waah! Waah!
Waabad iga darneeyd shoow.

HELWAA:

Waxa aan wadeen
Isla waayi jirey waa
Ayaamahaaga oo wacan
Wakhtigeyga oo san
Inaan wada jirnaa
Dabeetana sida walaalaha shanta ah
Ee wadaaga calan
Isu weheshana
Aan wada qudha marnaa

SAKHRAAN:

Waa wadaane caashaqu
Waaxdaada ila qabo

HELWAA:

Waayahe bal keen

SAKHRAAN:

Waa kane bal hoo

SAKHRAAN:

Waayee haygu sii deeynin
Wuu inaga dhaxeeyaaye

HELWAA:

Waan hayaa hareertee
Ha u baqanin

HELWAA:

Yuu cunin waraabuhu

SAKHRAAN:

Yuur! Yuur!

HELWAA:

Ka ilaali weeraha

SAKHRAAN:

Waayahey!!!!!!!

HELWAA:

Waynakaa hadabaa

HELWAA iyo SAKHRAAN

Wayna kaaaaa!!!!



SAKHRAAN>SEEKER OF TRUTH & JUSTICE
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”