Males Zenawi oo Yemen u gudbiyay qoraal uu kaga hadlayo Somalia
Sanca 25, Jan.07 ( Sh.M.Network) Ra'isul wasaaraha Itoobiya Melas Zenawi Ayaa Fariin Qoraal Ah oo Ku Saabsan xaaladda Uu Dalka Soomaaliya haatan Marayo U Diray Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalix.
Fariintan oo Uu Siday wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Siyuum Masfen oo Booqasho Ku Tagay Dalka Yaman Ayaa waxa Uu Ra'isul wazaare Zenawi ugu Faahfaahiyay Madaxweynaha Yaman C.C.Saalax Halka uu marayo Xaalka dalka Soomaaliya .
Waxaa kaloo Uu Zenawi farriintiisa Sharraxaad kaga Bixiyay Ka bixitaanka Ay Ciidamada itoobiya Billaabeen In Ay Isaga baxaan Magaalada Muqdisho iyo Guud Ahaan dalka Soomaaliya .
Zanawi ayaa U sheegay madaxweynaha Yaman In uu Qorsheynayo In Ay Ciidamadiisu Uga baxaan dalka Soomaaliya Saddex Waji Isagoo Muujiyay Sida uu ugu rajo weyn Yahay In Ay Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrikaanku Soo gaaraan dalka Soomaaliya ka Hor Inta Aanu Soo gabagaboobin wajiga Saddexaad ee ugu Dambeeya.
Melas Zenawi Waxa Uu Meesha ka saaray in Aanay Waajib aheyn In Ay Ciidamadiisu Sii Joogaan Dalka Soomaaliya Inta ay Ciidamada Afrikaanka ah Si rasmi ah u soo gaarayaan dalka Soomaaliya..
Waxa uu muujiyay In uu Ciidamadiisa kala baxayo dalka Soomaaliya Xilliga Ay Xukuumaddiisu Qorsheysay ,Isagoo aanan eegeynin In Ay dalka Yimaadeen Markaasi Ciidamada afrika iyo In kale .
Cali cabdalla saalax Ayaa Carabka Ku adkeeyay Intii uu socday Kulanka uu La yeeshay Siyuu Masfen Sida uu dalkiisu ugu dadaalayo inay Soomaaliya Dib u hesho xasilloonidii iyo kal dammbeyntii ka luntay 16sano ka Hor.
Waxa Uu sheegay Inuu Inuu Dalkiisu garab Siinayo dadaal Kasta oo Loo galo Dib U heshiisiinta iyo wadahadal siinta Kooxaha Soomaalida ee kala Duwan.
Sidoo kale saalax waxa uu sheegay In Dowladda Yeman Ay ka Qeyb qaadaneyso Dib u dhiska dalka soomaaliyeed iyo hir galinta Dhismaha heyÂ’adaha Dowladda Soomaaliya.
Shabelle Media Network Yemen
E-mail us: info@shabelle.net
http://www.shabelle.net/2007/January/n10321.htm
Males Zenawi oo Yemen u gudbiyay qoraal uu kaga hadlayo Soma
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 306 Views
-
Last post by Asias_Afwerqi
-
- 0 Replies
- 793 Views
-
Last post by serious_sam
-
- 0 Replies
- 1111 Views
-
Last post by DoctorDarleneHajduk
-
- 0 Replies
- 929 Views
-
Last post by DoctorDarleneHajduk
-
- 0 Replies
- 1110 Views
-
Last post by seenet
-
- 0 Replies
- 328 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 1019 Views
-
Last post by dutra1960
-
- 0 Replies
- 735 Views
-
Last post by madbad
-
- 0 Replies
- 1009 Views
-
Last post by madbad