Page 1 of 1

Dagaalo ka qarxay deegaano ka kala tirsan Hiiraan iyo G/gadu

Posted: Thu Jan 25, 2007 8:32 am
by Hydra
Dagaalo ka qarxay deegaano ka kala tirsan Hiiraan iyo G/gaduud

B/weyne 25, Jan.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa mar kale dib uga qarxay deegaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo G/gaduud.

Dagaalkaan dib uga soo cusboonaaday deegaanka Goobo ayaa bilowday, ka dib markii ciidamadii Ethiopia ay isaga baxeen halkaasi habeen hore.

Dagaalkaan oo shalay galinkii dame xoogiisa ka qarxay deegaanka Goobo oo u dhaxeeya Maxaas iyo Ceelbuur ayaan wali la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi.

Laakiin warar madax banaan oo laga helay tuulada Moqokori ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi la keenay ilaa 8 ruux oo rayid ah oo ku soo dhaawacmay dagaaladaasi.

Waxgarad beeleedyo ku sugan magaalada B/weyne ayaa wacad ku maray in aanu ka jiifan doonin dagaalkaasi, isla markaana ay ku baxayaan.

Dagaalada u dhaxeeya labadani beelood oo soo laablaabtay ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen ilaa 80 ruux, iyadoo boqolaal kalena ay ku barakaceen.

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net