The Body Of A TFG Soldier Dragged On The Streets Of....
Posted: Sun Jan 28, 2007 2:08 pm
Wararkii:: Jan 28, 2007
Dagaal Faraha Lagaga Gubtay Oo Dhex Maray Kooxo Hubaysan Iyo Ciidamada Booliska Dowlada Kmg Ah.
Axad, Jan 28, 2007: Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay Ex kantarool ee degmada yaaqshiid ,dagaalkan ayaa u dhexeeyey kooxo hubaysan iyo ciidamada booliska dowlada kmg ah ,iyadoo 2 qof ay ku geeriyootay 5 kalena ku dhaawacantay inta la ogyahay.
5ta ruux ee dhaawacantay ayaa waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo qaarkood xabadaha ay si habow ah ugu tageen iyagoo ku sugan guryahooda , ka dib markii dagaalku uu saacado Qaatay islamarkana uu ku faafay xaafadaha ku dhow dhow degaankaas ,sidoo kalena labada qof ee ku dhimatay dagaalkan ayaa mid kamida ahaa askari ka tirsan ciidanka booliska dolwada kmg ah, halka qofka kalena uu ahaa qof rayida oo xabadi ugu tagtay si habow ah .
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen inay mid kamida labada qof ee dhimatay oo ahaa askari boolis ah uu maydkiisa lagu jiid jiiday wadada dheer ee isku xirta ex-kaantarool iyo suuqa xoolaha islamarkaana uu yaalay wadada kadibna ay ku soo xoomeen dad aad u tiro badan oo ku qaylinayey halku dhegyo ka dhan ah dowlada kmg ah , waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamada booliska ay iskaga carareen agagaarka Ex kantarool oo ahayd meesha dirirtu ka dhacday .
Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa waxaa loola cararay qaarkood Isbitaalada magaalada muqdisho ,sidoo kalena ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda KMG ah oo ka hadlaya sababaha dagaalkan.
Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay waxaa la dhigay Isbitalada magaalada Muqdisho in kabadan 13 ruux oo siyaabo kala duwan ugu soo dhaawacmay Qaraxyo iyo rasaasta ka dhacaysa magaalada Muqdisho sida uu saxaafada u sheegay Dr, Daahir Dheere oo madax ka ah qaybta caafimaadka isbitaalka madiino.