Feysal Cali Waraabe “Sida loola dhaqmay ergadii aynu u dirsanay shirkii midowga Afrika, nagama niyad jebineyso dedaalka aynu ugu jirno aqoonsiga Somaliland”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ka mid ah axsaabta mucaaradka ah ee ka jirta jamhuuriyada la baxday Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay qaabkii loola dhaqmay ergadii Somaliland ay u dirsatay shir madaxeedkii wadamada ku jira midowga Afrika ee lagu soo gebagebeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay in falkaasi lagula kacay ergadooda aysan ka niyad jebin doonin baadi goobka Somaliland ay ugu jirto sidii ay aqoonsi caalami ah uga heli laheyd beesha caalamka.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray Somaliland ay tahay dal madax banaan oo heykalkiisii dowladnimo dhistay, isla markaana axsaab siyaasadeed ay ka jiraan, wuxuuna xusay in caalamku uu ka war qabo arintaas. Balse ay ku rajo weyn yihiin in mar ahaataba aqoonsi buuxa ay heli doonaan “Xaqa ayaa ugu dambeyntii adkaanaya wadamada Adduunka saaxiibo badan ayaan ku leenahay kuwaasoo diyaar la ‘ah iney naga gacan siiyaan sidii aynu aqoonsi u heli laheyn, tii ilaahey baa dhiman laakiin dedaal naguma yara shuruudihii dowladnimana waan buuxinay” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo intaa ku daray iney halkooda ka sii wadi doonaan dedaalkooda la xiriira aqoonsiga Somaaliland mucaarad iyo dowlad intaba. bacdamaa buu yiri Soomaaliland ay tahay dal ka madax banaan.
Dhinaca kale, Feysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyey xariga maamulka Somaliland ay u geysatay suxufiyiintii ka howl galeysay wargeyska Haatuf oo ka soo baxa magaalada Hargeysa “Aad iyo aad baan uga xumahay weriyeyaasha la xiray, bar xun bay ku noqotay arrintaas Somaliland oo la tilmaamo in dimoqraadiyadu ay meel sare ka gaadhay, jaraa'idkuna waa asaaska xornimadeena waan ka xunahay” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo ka codsaday dowladda Somaliland iney u dhega-nuglaato codsiyada loo jeedinayo, isla markaana si shuruud la'aan ah u sii deyso weriyeyaashaasi.
Somaliland envoy 2AU meeting in Addisababa were humiliated
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Of course waa caadi weeyan , tigreega horaan ugu sheegnay anagu inaan ajnabiga dabada u dhigano caado uma lihin . Riyaale kahin ba isku dayay inuu yara sasabto , laakin marku Addis ka soo laabmay waatanu qaysaraan la dhacnay , ibna guumeedka dhaqanka xun . Arrinkii bey xabashidu ka cadhaysan yihin .CY-na dhegaha ayuu intaa injirleyda wax kaga akhrinaya , marka in layna la hadli waayo waa macquul 

- maria from west side
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4694
- Joined: Sun Oct 03, 2004 6:31 am
- Location: Iceland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 61 Replies
- 4746 Views
-
Last post by bareento
-
- 7 Replies
- 118 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 75 Replies
- 4629 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 8 Replies
- 518 Views
-
Last post by KingMJ
-
- 28 Replies
- 1970 Views
-
Last post by OmarMahamoud