Siidee U Arkaan Hawiye Iyo Hargeysa Isbedellada Soomaaliya Ka Dhacay.
Jan 08, 2007 By:Cali Samatar
Maqaal(Jidbaale.com):-Sida muuqata Soomaalidu 16kii sano ee ugu danbeeyey waxa ay ku binaynayeen aragtidooda mid qabiil oo qaawan, taas oo dhaxalsiisay in ay galaan dagaallo qadhaadh oo arxandarro badankoodu ahaayeen, hoggaankii beelaha Soomaaliyeedna ay u gacan galeen dad meel dhaw wax ka eega.
Haddaba sidee u arkaan Soomaalidu isbeddeladii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Hawiyaha iyo Isaaqa oo iyagu muddooyinkii ugu danbeeyey lahaa isu waxyood gaar ah, aadna had iyo jeer ka dhadhansan kartid in beelaha Hargeysa ay basbaaseeyaan kuwa Muqdisho, iyaga oo ku muusanaaba darensiiyana in ay ka dhiidhiciyaan in aan mar kale dib loo gumaysan, arrintaas oo ay ka wadaan in Daarood uu hore Karaamada uga qaaday, aadna mooddid in Hawiye u dhaga-nugul yahay hadalka Hargeysa.
Ugu horrayn beelaha Isaaqu waxay muddooyinkii ugu danbeeyey weer madow u xidheenayeen sidii odaygii Shiikh Isixaaq Ama Isaaq geeridiisii loo soo sheegay, waxayna mar qudha futada dhulka ku dhufteen markii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay Muqdisho galeen, iyaga oo u sawirtay, una dhigay in Daaroodkii oo dhigihiisii wataa mar kale Muqdisho ku soo noqonayo, taas oo ay is tuseen in ay laba arrimood is baddel la imaan karto.
Maadaama uu Madaxweynaha hawshan hormoodka ka ahi yahay nin Daarood ah, in nufuudkii Daaroodku Soo noqonayo, Hawiyana mar kale gumaysigii lagu hayey uu ku noqonayo waa siday maskaxdoodu u sheegtaye, labadaas arrimood oo meesha ka saaraya in ay Riyadoodii ahayd gooni isu taagga, mar haddii Soomaaliya ay ka hirgasho dawladda Federaalku, nabad galyaduna ku soo noqoto Koonfurta Soomaaliya.
Sidaasi daraaddeed ayaad dareemaysaa in ay bilaabeen beelaha Isaaqu in ay mar kale haddana maskaxda u qabtaan Hawiyaha, iyaga oo adeegsanaya shaadhkii Iririisamka ee ay ka dhaxleen marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
Waxaa taasna daliil u ah, ninka ay is yidhaahdaan Isaaqu waxa uu hadalka si qayaxan ugula dhiirradaa Daaroodka oo hore looga hayey Nin Waliba Kabihiisa Ayuu Xiranaa, ee lagu magacaabo Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxa uu si lama filaan ah uga soo degay magaalada Berbera, markii ay ogaadeen Boolisku in uu yahay ninkani Muuse Suudi markiiba Hargeysa ayaa loo dhaadhiciyey, waxaana markiiba kulan la yeeshay Hoggaanka sare ee ShankarroonLand, iyo xubnaha ugu qabyaaladda qaawan sida Faysal Cali Waraabe (Muuse Suudiga Hargeysa).
Waxaa markiiba Muuse loo soo dhaweeyey si layaableh iyada oo loo cabanayo oo la leeyahay "waar biÂ’iwaaye Nimankii Daarood daaqad ayey Muqdisho ka soo galeen maantaa laydin gumaadayaa waar Nimanku yaanay meesha ku xasilin, Muusoow waa laydin gumaadayaa, aargoosi ayaa meesha ka jira waar ka kaca, Muusanow iyo baroordiiq halkii laga galay". sida aynu la soconay beelaha Isaaqu qofkii ugu taga Hargeysa ee reer Koonfureed ah markiiba waa la masaafurin jiray sidii uu yahay Yuhuudi Xaramkii soo galay, laakiin Muuse lama masaafurin maxaa jira?, halkaas ayaad ka fahmaysaa.
Hawiye Sidee U Arkaa Isbeddelka.
Hawiye waxaanu filayn ayaa mar qudha dhacay, maalintii la doortay C/laahi Yuusuf ayuu C/laahi ku yidhi “Muusoow Kabahaygii ayaan xidhay adiguna kabahaagii ayaad xidhatay”, Muuse wuxuu ugu jawaabay “Xirataye Mihii lagu socon lahaa aa la rabaa”, markii C/laahi la doortay wuxuu guda galay sidii uu ugu noqon lahaa Muqdisho isaga oo aan cidna abbaansanayn, hoggaamiye Kooxeedyaddii Muqdishana waxay galeen abaabul ah in aanu C/laahi cag soo dhigin Muqdisho, laakiin waxaa jirtay arrin kale oo ay wateen Maraykanku, oo ahayd in Muqdisho ay joogaan rag ay raadinayeen.
Waxay guda galeen Maraykanku in ay raadiyaan ciddii ay arrintaas la kaashan lahaayeen, Maraykanku isaga oo aan danaynayn Dawladdan itaalka daran ee Kenya lagu so dhisay ayuu wuxuu abbaaray hoggaamiye kooxeeyada Muqdisho oo iyagu sheegay in aanu C/laahi Yuusuf awood ku lahay Muqdisho, oo ay iyagu fulin karaan uun waxa Maraykan Doonayo, laakiin C/laahi maquusane wuxuu u sheegay Maraykanku in ay tageeraan Dawladdiisa, si ay iyagu dalka u nabadeeyaan waxay doonayaanna u qabtaan, Maraykankuse waa ka dhaga nabtay hadalka C/laahi.
Hoggaamiye Kooxeedyadii waxay afka uga galeen libaaxyo tababaranayey intii ay ku mashquul sanaayeen Kenya, marqudha ayaa la caydhsaday wixii Muqdisho joogay oo dhan, Qanyare wuxuu ku guubaabiyey wadaaddadii Muqdisho in uu ka hortaagnaa Muqdisho C/laahi Yusuf oo Daarood wata iyo Amxaaro in dalka la keeno, haddii ay wadaaddadu ogolaadaan in dalka Amxaaro iyo Daarood la keeno in ay soo nooqnayaan.
Inkastoo wadaaddadii gantaal dheeraynaya raaceen haddana waxay soo dadejiyeen iska horÂ’imaadkii Dawladdii tamarta darnayd, iyo Saaxiibtinnmadi C/laahi iyo Maraykanka oo marqudha u muuqday ninka Muqdisho oo ay joogaan argagixisadu u hoggaaminkara Amxaaro iyo Maraykanka.
Marqudha ayaa wax waliba isbeddeleen, mise waa odaygii C/laahi iyo Geeddi oo Muqdisho dhex-taagan, mise waa Qanyare Afrax oo wax ka soo galbiyey C/laahi iyo Amxaaradii, mise waa Muuse Suudi Yalaxow oo aanu C/laahi Muqdisho wax abaal ugu hayn, garoonkeeda oo u dabranaa labada madfac ee Suudi Yalaxowna si habsami ah uga dhoofay, C/laahina uga soo degay.
Hawiye waxa uu marqudha arkay isaga oo Muqdisho ay ku weheliyaan C/laahi Yuusuf, iyo Xabashi, mar qudha ayey waxay soo xusuusteen wixii ay danbi ka galeen dadkii maatada ahaa ee aan waxba galabsan ee ay gawraceen, ee u dhashay Daaroodka, waxaana markiiba maskaxdooda horboodday Daarood oo ay wada socdaan Tigre ayaa aargoosad idiinku dhaqaaqaya, waxay qaylo afka kala qaadeen, hubkayaga dhiibimayno, ilaa Daaroodka hubka laga qaado.
Hawiye 16 sano ayuu muqdisho oo Caasimaddii Soomaaliyeed siduu doono ka yeelayey, marna maankiisa ma galin in ay tahay Muqdisho Caasimadda Soomaaliyeed, ee waxaa maskaxdiisa markasta ku soo duxanaysay, hadallada ay Isaaqu u dusiyaan oo iyagu danaha kale ka leh, kuwaas oo ah Waar Daarood ayaa idin gumaysanaya ee waligiinba Awrka dhinaca ka rara, oo waligiiba ha dheelliyo oo yaanu isu dheelli tirmin, iyaguna waxay hoosta ku wataan dan yar oo aan waligeed maskaxdooda ka bixin taas oo ah in ay mar uun helaan Dawlad Isaaqiya u madax bannaantahay.
Cali Samatar.
c_matar@hotmail.com
jidbaale.com
Sidee u arkaan reer Mogadishu dowladda iyo Hargeesa.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 22 Replies
- 2411 Views
-
Last post by kambuli
-
- 7 Replies
- 1509 Views
-
Last post by Coeus
-
- 4 Replies
- 348 Views
-
Last post by dhuusa_deer
-
- 0 Replies
- 10311 Views
-
Last post by watchmenow
-
- 18 Replies
- 3405 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 3 Replies
- 9814 Views
-
Last post by Chinaman
-
- 18 Replies
- 1398 Views
-
Last post by kooradadab
-
- 22 Replies
- 1185 Views
-
Last post by Lil_Cutie..
-
- 4 Replies
- 700 Views
-
Last post by Demure