Muqdisho = Baghdad
Posted: Sat Feb 10, 2007 10:37 am
Magaalada Muqdisho oo maanta qeyba ka mid ah laga maqlay dhawaqa madaafiicda iyo Hoobiyayaal
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay maanta weeraro kale duwan oo gilgilay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Abaarihii 12:20 daqiiqo ee maanta ayaa qeyba ka mid ah magaalada Mqudisho waxaa laga maqlay dhawaqa madaafiicda Hoobiyaasha iyo sidoo kale hubka Baasuukayaasha kaas oo ka dhacay dhowr jiho oo magaalada ka mid ah.
Weerarkii ugu horeeyey ayaa ka dhacay hotelka Kaah ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka soconayey kulan dib u heshiisiin Siminaar ah oo muddo Toddobaad socday oo guddiga dib u heshiisiinta Qaranka soo qaban qaabiyey islamarkaana ay maalgineyso hey’adda UNDP ee Qaramada Midoobay.
Weerarkaas ayaa la sheegay inau ku dhimatay hal gabar oo banaanka hotelka joogtay kaddib markii firirka Baasuukayaasha la soo riday uu ku dhacay iyadoo qaar ka mid ah Baasuukayaasha ay hareer mareen hotelkaas.
Sidoo kale ciidamada dowladda fedraalka KMG ah Soomaaliya oo jidgooyo dhigay hoteelka banaankiisa kaddib markii weerarada dhaceen ayaa halkaas ku toogtay darawal waday gaari xamuul ah kaddib markii uu soo galay goob ciidamada jidgooyada u taalay.
Weeraro kale oo is daba joog ah ayaa ka dhacay aaga Km4 iyo sidoo kale agagaarka garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho.
Wiil yar oo hal sanno jir ah ayaa ku geeriyooday agagaarka Buula xuubey guri ku yaala kaddib markii Madfac ku soo dhacay iyadoo sidoo kale gabar Shan sanno jir ah ay halkaas ku dhaawacantay oo faraha ay ka go’day sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal halkaas tagay markii falka uu dhacay.
Sidoo kale madfac ayaa ku soo dhacay aaga suuqa xoolaha guri ku yaala waxaana ku geeriyootay gabar Sagaal sanno jir ah iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba gabdhood oo kale.
Sidoo kale maanta ayaa madfac waxa uu ku soo dhacay guri ku yaala agagaarka kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho waxaana halkaa ku dhintay wiil Sagaal sanno jir ah iyadoo sidoo kale laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Weerarada ka dhacay maanta dhinaca garonka ayaa la sheegayaa in aaney jirin wax qasaaro ah oo ay geysteen iyagoo ku dhacay irida hore ee garoonka waxaana madfac iyo hoobiyo uu sidoo kale ku dhacay biyaha Badda kaas oo ahaa mid lala beegsanayey Dekadda.
February 10-2007-HornAfrik, Mogadishu.