
Malik Ibn Dinar
Magaaladu waa Medina, meeshuna waa Masaajidka Nabiga (Naxariis iyo
nabad galyo korkiisa ha ahaato), waa xalaqad diinta lagu barto oo ay
fadhiyaan arday aad u fara badani. Ardaydu waxa ay sugayaan
sheekhoodii. Sheekhu maanta waa uu soo habsaamay, ardayduna waxa ay
ka warwarsan yihiin soo daahida sheekhooda. Waxoogaay markii ay
sugayeen ayuu sheekhii yimid isaga oo ay ka muuqato haybadii iyo
karaamadii culimada saalixiinta ah lagu yiqiinay. Meeshii loogu
talagalay ayuu fadhiisatay, salaan ka dibna wuxuu bilaabay
hadalkiisii. Wuxuu yidhi "walaalayaal in badan ayaan masaajidkan
idiinku dhigayay qaybaha kala duwan ee culuumta Islaamka. Maantase
waxa aan doonayaa in halkii aynu casharka ka qaadan jirnay aan idinla
wadaago qayb ka mida nolosha sheekhiinan idin hor fadhiya. Waxaan
rajaynayaa in ay cibro idiin noqoto.
Noloshaydii ******
Waxaan ku noolaan jiray Ciraaq. Ma aanan ahayn qof toosan. Xumaan oo
dhan ayaanan faraha kula jiray. Waxaan ahaa nin aan wax naxariis ahi
qalbigiisa ku jirin. Dadkoo dhami way i necbaayeen. Khamriga ayaan
cabi jiray. Diinta waan ka fogaa, Salaadna haba sheegin. Maalin
maalmaha ka mida ayaan magaalada u soo dhaadhacay, sidii caadadaydu
ahayd anigoo suuqa dhex wareegaya ayaa waxa aan sheeda ka arkay laba
nin oo is jiid jiidanaya. Labada nin midkood waxa uu ahaa nin nicmo
ka muuqato oo maalqabeen ah, halka ka kale ay ka muuqatay baahi iyo
duruuf adagi. Kan miskiinka ahi jilbaha ayuu ku taagnaa waanu
baryootamayay, wuxuu ku ooyayay ninka maalqabeenka ah, halka ka
maalqabeenka ahi uu miskiinka ku qaylinayay. Waxa aan ku soo
dhawaaday halkii ay labada nin isku haysteen si aan bal u ogaado sida
ay wax u jiraan. Waxaan waydiiyay in ay bal iiga waramaan waxa ay
isku haystaan.
Waxa hadalkii bilaabay maalqabeenkii wuxa uu ii sheegay in ninkan
miskiinka ah uu 7 dirham sanad ka hor amaahiyay laakiin ilaa iminka
uu u soo gudi la yahay daynkaas. Wuxuu yidhi "ninkani muddo ayuu iga
dhuumanayay laakiin maanta ayaan qabtay waxa aanan ka qaatay
todobadadii dirham ee aan ku lahaa ". Miskiinkii ayaan eegay waxanan
waydiiyay bal isna in uu dhiniicsa ii sheego sida ay wax u jiraan.
Miskiinkii ma dafirin in daynkaas lagu leeyahay laakiin waxa uu ii
sheegay in aanu haysan wax aduun ah oo uu ku gudo daynkaas lagu
leeyahay, lacagtan yar ee uu ninkani xooga kaga qaadayna waxa uu
yidhi waxa weeye 7 dirham oo uu doonayo in uu caano ugu soo iibiyo
gabdho yar yar oo uu dhalay oo ay baahi hayso. Halkaa marka ay
sheekadii marayso ayaan ka codsaday ninkii maalqabeenka ahaa in uu
miskiinka u soo celiyo lacgata uu ka qaaday uuna ka sugo daynkaas
inta uu miskiinku wax ka helayo. Maalqabeenkii arinkaas ma cajabin
waanu iga diiday . Waan xanaaqay, dhulka ayaanan ku tuuray
maalqabeenkii. Xoogg ayaan gacantaydda jeebkiisa ku galiyay
waxaanan ka soo saaray lacagtii uu xoogga uga qaaday miskiinka.
Lacgtii ayaan miskiinkii gacanta ka galiyay waxaanan ku idhi "orod
oo caruurtaada caanaha u raadso". Miskiinkii lacagtii ayuu qaatay
isaga oo ay farxad wayni wajigiisa ka muuqato, wuxuu bilaabay in uu
ii mahadnaqo. Markuu sii dhaqaaqayay ayaan ku idhi "caawa marka ay
caruurtaadu caanaha cabaan.ha ilaawina in aad ii soo duceeysaan."
Maalintii xigtay ayaa qalbigayga waxa la galiyay in aan guursado.
Laakiin yaa gabadh u guurinaya nin khariban sidayda oo kale. Waxa ii
soo baxaday in aanu jirin qof gabadhiisa ii aroosayaa, sidaa
daraadeed waxa aan tagay suuqii adoomaha lagu iibin jiray, gabadh
Muslimad ah oo adoona ayaan ka soo iibsaday, gabadhii waan xoreeyay
ka dibna iyadii ayaan guursaday. Gabadhii waxa uu Alle iiga dhigay
mid khayr qabta. Waxa ay i baratay salaadii iyo wanaag oo dhan. Mudo
yar gudaheed ayay nolashaydii is badashay, waxaanan faraha kala
baxay xumaantii aan ku dhex jiray oo dhan. Waxa uu Alle reerkaygii
ku irsaaqay gabadh. Jacaylka aanu u qabno gabadhaasi waxa uu ahaa mid
aan xad laahyn.. Habayn habaynada ka mida iyada oo ila ciyaaraysa
ayaa gabadhii lagu soo booday. Dhabtayda ayay ku dhacday wax yar ka
dibna tii Alle ayaa u timid oo waa ay dhimatay. Musiibadani waa ay
igu cuslaatay. Muddo ayaa waxa habayn iyo maalinba maskaxdayda ku
wareegayay sawirkii gabadhayda. Meel kasta oo aan aqalka ka eegoba
waxa iiga muuqanaysay gabadhaydii Faadumo. Habayn habaynada ka midda
ayuu arinkani iga gaadhay meel culus oo aanan qaadi Karin , waxa aana
goostay in aan habaynkaas oo dhan khamri cabo ilaa aan ka dhimanayo.
Sidii aan khamrigii u cabayay ayaan dhacay, waxa aanan ku riyooday
riyo cajiib ah, riyaadaas oo badashay nolashaydii oo dhan.
Waxa aan ku riyooday aniga oo dhintay, oo la i aasay, oo uu
qiyaamihii kacay dadkii oo dhan qubuurihii laga soo saaray, qof
kastana uu dhinac u cararyo. Waxa aan eegay dhabarkayga waxa aanan ku
arkay mas wayn oo dab igu afuufaya. Waan ka cararay laakiin maskii
igama hadhin. Waxaabad mooodaa in aniga la ii soo diray. Sidii aan u
cararayay ayaa anigoo daalay waxa iga soo hor baxay buur wayn.
Buurta waxa ka baxayay dariiqyo yar yar oo ay taagnaayen caruur yar
yari. Markii ay caruurtii i arkeen ayay mar kaliya dhawaaqeen oo ay
yidheehdeen, Faadumooy! Faadumooy! Faadumooy kaalay eeg eeg aabahaa.
Gabadhaydii markii ay aragtay ayay gacanta u taagatay maskii. Maskii
markiiba waa uu istaagay waanu iga hadhay. Gabadhaydii way ii timid
gacanta ayayna i qabatay iyadoo leh aabo :
"miyaanay u dhawaanay qalbiyadii kuwii Alle rumeeyay in ay Alle u
khushuucaan." Halkaas marka ay marayso ayaan ka soo booday riyadii.
Waxa aan maqalay eedaankii salaada faajarka. Inta aan toobad keeenay
oo aan maydhay ayaan tagay Masaajidka. Masaajidka aan tagay Iimam
Shaafici ayaa tujinayay. Salaadii iimaamku waxa uu nagu tujiyay
aayadii ay gabadhaydu akhrinaysay markii aan riyoonayay. Waan
khushuucay waxaanan hoosta iskaga idhi adaa laguu jeedaa Maalikoow.
Salaadii markii laga baxay ayuu Imaam Shaafici wuxu bilaabay in uu
fasiro ayadahaas uu akhriyay. Markii aan ka soo noqday Masaajidkii ee
aan reerkaygii u soo noqday ayaa waxa aan ku idhi
xaaskaygii "Alaabta inoo xidhxidh waxa aynu u guuraynaa magaalada
Madina. Waxa aan bilaabay in aad diinta barto ka dibna sidaas baanan
ku noqday Sheekhan maanta idin hor fadhiya."
Sheekadani waa sheeko dhab ah. Sheekha ka sheekaynayana waxa u ahaa iimaamka wayn ee la odhan jiray Malik Ibn Diinaar". Waxa aan rajayn in ay inteena akhriday ay waano u noqoto.
