donno why it aint coming up. but heres the article. there was also a picture of the family. with three adorable kids. mansha allah.
WAA SEDAX CARUUR IYO AABAHOOD OO WADA NAAFO AH FADLAN U GARGAAR,,,,
Mar aan la kulmay Aabe Cabdi Guuleed oo degan Magaalada Hargeysa, Degmada Axmed Dhagax, Xaafada Siinaay,ahna Aabaha dhalay caruur wada naafo ah kana kooban Sadex Caruur ah Aabbahood iyo Hooyadood, Sadexda Caruurta ah dhaamaantood waa Naafo dhul yaal ah oo aan wax awood ah lahayn.waxa ay wax ka qabaan Maskax ahaan, Jidh ahaan iyo iyada oo uu hadalku ka xidhan yahay, hooyada sadexdaas caruur ah dhashay Faadumo Ibraahim C/laahi waxa ay ii sheegtay in aanay ilaa hada garanayn waxa sababay in sadexdii caruur ahaa ee ay dhashayba ay noqdaan kuwo naafo ah, balse ay xasuusan tahay in ilmo kastaa marka uu jiro todobaad ay aragtay gadhka oo gariiraya ka dibna ay noqdeen kuwa naafo ah , Ilaa hadana aanay wax dhakhtar ah geyn duruufo dhaqaale awgeed.
Mar aan la kulmay aabbaha caruurta oo isaga laftiisu Lugi go'an tahay gacanta midigtana naafo ka ah waxa uu ii sheegay in uu mu'adin ka yahay masaajid si mutadawacnimo ah, oo aanay wax dhaqaale ahi ka soo gelin,kuna nool yihiin qol yar oo ku yaala masaajidka dhexdiisa ah, meel kale oo uu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahayna aanay jirin.
Hadaba waxay codsanaayaan qoyska wada naafada ah gargaar Alaah ayaa gargaar lehee , fadlan kaalmooyinkaaga ku soo hagaaji cinwaanada hoos ku qoran ee laga helo
Hashi Abdilahi Robleh
Tel: 00252 2 4429464 Hargeisa
Tel;- 0015072060094 USA
E-mail:
hashiroble@yahoo.com Hashi@swacro.org ama
Dahabshiil Account No: D6812.
Hargeisa Somaliland
.