Assalaamu calaykum
HABKA NOLOSHA DHULKA
Haddii uu qofku rabo inuu ugu noolaado dhulka si wanaagsan oo aan lahayn mushkilad nafeed iyo mid caqliba islamarkaana uu jeclaysto inuu kabadbaado jaahwareerka adduunka waxaa lagama maarmaan ah in uu kudadaalo qodobbada aasaasiga u ah dhaqan-gelinta himilooyinkaas iyaga ah:
~ Waa in uu caabudaa oo weeyneeyaa ILAAHA cirka jooga, si ay ugu hagaagto qofkaas noloshiisa dhulku, qodobkaani waa furaha sacaadada adduunka iyo weliba nolosha waaritiin ee daai'im ka ah ee aakhiro, Alle waakan abuurtay addoonkiisa, waakan irsaaqa waana kan kasoo saaray kuna nabadyeelay calooshii hooyo ee mugdiga ahayd, xaalku maaddaama uusaas yahay, Alle waakan xaqa uleh cibaadada iyo camalka oo isaga keligiis loo baraxtiro.
~ Sidoo kale qofkaan dhulka kunooli waa inuu raacaa raadkii RASUULKA Muxammed ah(NNKH), kaasoo ah soodirihii Allaha weeyni uu ummaddiisa usoo diray, si uu ubaro SIRTA NOLOSHA DHULKA & BADBAADADA, waa lagama maarmaan in uu qofka dhulka joogaa kuxiriirsamo Rasuulka Alle, maxaa yeelay isaga ayaa yaqaan waxa umaddiisa uroon, qofkii kudaydaa waa liibaanaa waana hanuunaa, inta qof dhulka-dushiisa kusocotay isaga ayaa ugu khayr badan rasuulku, haddaan Eebbe soo diri lahayn dadku waxay lamid ahaan lahaayeen xayawaanka xagga garashada iyo dhaqankaba.
~ Qofka dhulka kunooli wuxuu ubaahanyahay shay u-iftiimiya MUGDIGA DARIIQA NOLOSHA, si uu uga badbaado boholaha shaydaanku uu kaqoday dariiqa nolosha , haddaba waxaa Alle usoo dhiibay Rasuulkiisa(NNKH) shay uu qofku iftiinsado , haddii uu misbaaxdaas daartana madhumayo weligiis khatartana waa kabadbaadayaa, shaygaas waxaa lagu magacaabaa QUR'AAN, kaasoo ah hadalkii Ilaah, sharaf gooni ah buuna leeyahay. Haddaba waalagama maarmaan in qofka dhulka joogaa qaato oo kudhaqmo Qur'aanka si uu ugu iftiimiyo mugdiga hortiisa ah, haddii uusan saas yeelinna wuu dhumayaa, wuxuuna gacanta ugalayaa Shaydaanka oo cadaw aad uneceb ah..
~ Waxaa kale oo jira meel looga dhuunto shaydaanka oo Ilaahay kadoortay dhulka una yeelay addoonkiisa, kaasoo looyaqaan MASJID ahna gurigii ILAAHAY. Shaydaanku wuu necebyahay mana soogalo, wuuna kaharaa qofka gala, waa meesha lagu soofeeyo qalbiga laguna nuuriyo, salaaddii lagutukadaa way ka ajarbadantahay salaadaha kale ee guryaha bini'aadamka lagu tukado, qofkii caadeeysta aadista iyo booqashada gurigaan-Alle wuxuu noqdaa qof nabadgalay, waxaa kordha nuurka santuukhiisa laabta ee iimaanku ku-ururo, waxaana Alle siiyaa qofkaan ajarka gaarka ah ee uusiiyo dadka booqda gurigiisa, sidaas daraadeed waalagama maarmaan in qofka dhulka kunooli badiyo booqashada guriga Alle si Eebbe uga raalli noqdo dabadeedna ugu fududeeyo noloshiisa iyo aayihiisa dambe.
~ Sida cirku uleeyahay xiddigo oo kale, ayaa dhulkuna wuxuu leeyahay xiddigo, xiddigaha dhulku waa DADKA CULUMADA ah iyo EHLU KHAYRKA, waa dadka raacay qodobada aan horay usooshegnay oo idil kuna dhaqmay, waxay aad ubarteen sirta nolosha dhulka kaddib-markay kacabeen ceelka qur'aanka iyo sunnada, waa ilaaliyayaasha shareecada muqaddaska ah ee Eebbe noodooray, waxay yaqaannaan xalaasha iyo xaaraanta, sidoo kale waa tiirarka dhaqangelinta diinta Islaamka. Sidaa daraadeed lagama maarmaan bay utahay qofka dhulka kunool inuu arrimaha diintiisa ee shaki kagalo uu iyaga ula laabto, si uu uga badbaado duufaanta shahwada iyo tan shubahaadka, hadhoowna uu ula kulmo Rabbigiis isagoo uu raalli ka yahay.
WCS
HABKA NOLOSHA DHULKA.......
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 653 Views
-
Last post by Gatspy
-
- 0 Replies
- 232 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 1 Replies
- 822 Views
-
Last post by Twist
-
- 17 Replies
- 1371 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 23 Replies
- 989 Views
-
Last post by greenday
-
- 41 Replies
- 2245 Views
-
Last post by DisplacedDiraac
-
- 0 Replies
- 403 Views
-
Last post by union
-
- 15 Replies
- 1149 Views
-
Last post by Rabshoole