nuraddin farah another ayan hirsi

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

nuraddin farah another ayan hirsi

Post by Somaliman% »

@4:17,listen how he makes fun of practicing Somali Muslim women.
http://agabso.com/states_ka/021007NURADINFARAH.ram


Qoraa Nuuradiin Faarax oo qalad weyn ka galay Diinta Islaamka kadib markii uu Jalbaabka ku tilmaamay wax aanan lagu aqoon dhaqanka Soomaalida!!! (miyaanu Islaam aheyn).

Minnesota,13,February-07 ( Qaadisiya.com) Qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah Nuuraddiin Faarax ayaa hadal uu dhowaan jeediyay 12-02-2007 wuxuu keenay caro badan oo ay muujiyeen haweenka Soomaaliyeed ee xirta xijaabka.

Nuuraddiin Faarax oo dhowaan buug cusub oo la magac baxay "Knots" kusoo bandhigay magaalada Minnesota ee carriga Mareykanka ayaa hadal uu ka jeediyay daah furkii buugga wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in xijaabku yahay wax uu ugu yeeray "Afghan business".

Qoraaga ayaa ku dooday in xijaabka ay xidhaan dumarka Soomaaliyeed aanu kamid aheyn dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo sheegaya in xijaabku yahay dhaqan Carbeed.

"Buugaygii ugu horeeyey ayaan ku sheegay in Ceebla goortii ay aragtay haweeneydii xijaabnayd ay ka cadhadhay oo lafaheedii ooga baxasatay, marka waxaan ad dhaqankeena kusoo darteen, yaa halkan fadhiya caawa oo taa qiil u heli kara" ayuu yiri qoraagu mar uu ka hadlayay xijaabka.

Hadalka Nuuradiin Faarax ayaa la yaab ku noqday in badan oo kamid ah dadkii dhageysanayay khudbadiisa, waxaana hadalka qoraaga si caro leh uga jawaabtay gabadh Soomaaliyeed oo kamid aheyd dadkii waqtigooda qaaliga ah usoo huray dhageysiga hadalka qoraaga.

In badan oo kamid ahaa dadkii soo xaadiray kulanka lagu soo bandhigay buugga qoraaga ayaa la sheegay in ay la dareereen niyad jab weyn, iyagoo ka xun hadalka qoraaga.

Nuuradiin Faarax oo loo heystay in uu yahay nin wax badan ku fakara ayaa iminka waxa uu muujiyay in Diinta Islaamka oo idil uu u heysto wax Dhaqan ah sida qabuuraha la siyaarto sida Soomaalida qaar ay dhaqan uga dhigteen iyo waxyaabaha lamidka ah, qaladka uu ka galay Nuuradiin Faarax Diinta Islaamka gaar ahaan Waxa uu kasheegay Xijaabka ay qaataan Haweenka Soomaaliyeed ayaa laga doonayaa in uu ka baxsho jawaab deg deg ah oo uu arrintaasi dadka ugu sharaxayo waxa uu lajeeday, sidoo kale Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa iyaguna laga doonayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga soo jawaabaan hadalka kasoo yeeray Nin qarsoonaa oo isa soo bandhigay laguna magacaabo Nuuradiin Faarax.

Waxaa muuqaneysa Dagaalka lagu jiro Soomaaliya in uusan aheyn keliya mid lagula jiro Diintooda xittaa waxaa soo wehliya Dhaqanka ka muuqda Shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed maadaama uu Ninkani oo Soomaali ah hadana sidan uu isku dayayo in uu Shacab Islaam ah uga dhaadhiciyo.

JAWAABTA WAXA LAGA SUGAYA WAA CULIMADA INSHAA ALLAAH.

http://qaadisiya.com/view_contents.php?articleid=394
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”