Ninkii dhuubnaa markii ugu horaysay ee uu darsaday ee uu afka saaray ayuu ku dhici waayay inuu afka galiyo kulayl awgiis,inyar markuu kor uhayay ayuu hadana umohday inuu afka galiyo wuuna kudhici waayay,wuxuu fiiriyay xagii ninka waxa uuna arkay ninkii oo fandhaalkii 5aad afka galiyay markaasuu kuyidhi (War haynaga qabawdee bal ukaadi) ninkiibaa ugu jawaabay (waad edeb daran tahaye fandhaal baad haysataaye kucun) wuu iska aamusay intuba inta ka dhakhsa badane markale ayuu afka la aaday fandhaalkii markaas dambe wuu ku gubtay markaasuu dhakhso afka uga fogeeyay,hadana ninkiibuu fiiriyay saa fandhaalkiisu ma istaagayo mar kale ayuu kuyidhi (war kugu qadnaye soortu ha iga qabawdee bal fandhaalka jooji)ninkiina waxa uu ugu jawaabay (way Ay baat tahaye mar dambe hadaad ila hadasho waxa ku gaadha waad arki doontaa) ninkii intuu xanaaqay ayuu intii soorta ahayd ee kululayd ee uu fandhaalka ku hayay ayuu wajiga kaga dhuftay,dagaal ayaa foodda la is daray ninkii dhuubnaa waa laga xoog badnaaye intii kor loo qaaday ayaa lagu lagday macdankii kululaa ee soorta oo lawga loo galiyay.
Markaasuu qaylo afka ku dhuftay,reerkii ayaa soo orday oo mooday in laba nin oo col ah laysu keenay,markii la waydiiyay waxa isu geeyay ninkii xooga badnaa waxa uu reerkii usheegay in wax hore uu udhexeeyay,laakiin ninkii dhuubnaa ayaa yidhi (war wax hore nooma dhexaynin oo ismaba aanaan aqoonine intii yarayd ee aad noo keenteen ayaan isku dagaalay!)Markaas ayaa ninba qoys si hor leh loogu cunto kariyay..


