Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
President of the transitional Somalian government Abdullahi Yusuf Ahmed(L) shakes hands with British minister for Africa, Lord David Triesman(R) before their meeting at Chatham House in central London. Ahmed said that he was ready to talk with any moderate Islamists to prevent further violence and bloodshed in the wartorn country.(AFP/Bertrand Langlois)
Kulan ay soo abaabuleen Chatham House, oo ah xarun cilmi baaris oo magac iyo mug ku leh arrimaha xiriirka caalamiga ah isla markaana xagga siyaasadda kala taliya dowladda UK, ayaa lagu casuumay Cabdullahi Yusuf oo halkaas ka akhriyey qoraal uu ugu tala galay goobta. Kulanka ayaa u dhacay sidan:
Markii uu Cabdullahi Yusuf soo galay oo uu fariistay ayaa waxaa gadaal ka soo galay safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Britain, markaas ayuu Cabdullahi yiri, war safiirka horay ha la soo fadhiisiyo. Sally Healy ayaa shir guddoonka goobta aheyd waxeyna ku bilowday inay arrimaha Soomaaliya la socotay 30kii sano ee la soo dhaafay, ka dib ayey bilowday inay ka hadasho taariikhda Cabdullahi Yusuf oo ay tiri waxuu ku dhashay Gaalka'yo, Mudug, markaas ayuu Cabdullahi soo booday oo yiri ma Mudug baad tagtey (have you been to Mudug) oo dadka ay ka fajaceen fahmeena inuusan fahmin inay ka hadleysay taariikhdiisa.
Markii ay kusoo dhoweysay Cabdullhi Yusuf ayaa isla markiiba weydiiyey haweeneyda magaceeda, oo ay tiri Sally, kadibna uu yiri Mrs Sall thank you (tanoo ah khalad oo marka la isticmaalo Mrs waa inuu la socdaa surname ka oo ay noqotaa Mrs Healy), kadib ayuu sii waday oo uu u mahad celiyey safiirka Ethiopia u fadhiya UK oo uu uga mahadceliyey soo qaban qaabinta kulanka iyo inuu ka shaqeeyey kulamadii uu la yeeshay Lord Triesman oo isagu wasaarada arrimaha debeda u qaabilsan arrimaha Afrika iyo Hilary Benn oo ah xogahaya arrimaha horumarinta caalamiga ah ee xukuumada Tony Blair.
Ka dib Cabdullahi Yusuf ayaa si jajab ah ku akhriyey warqaddii hortaalay, 10 daqiiqo ka dib isagoo sii maraya bogga labaad ayaa wiilashii la socday mid soo booday oo ku yiri jooji, kadibna soo qabtay qoraal kale, odaygana dhegta ugu sheegay in qoraalkii uu aqrinaayey uusan sax aheyn. Cabdullahi oo ay ka muuqatay waji xumo ayaa bilaabay aqriska qoraalka kale oo mar kale dib u bilaabay ladies and gentlemen. Qoraalka waxuu ahaa mid si fiican u qoran walow uu mudnaanta koowaad siinayey in dowladdiisu ay la dagaaleyso argagixisada, kana sifeyn doonto waddanka gudihiisa, si aysan mar danbe hoy ugu noqon.
Markii uu dhameeyey aqriska warqadda ayaa waxaa loo sheegay ka soo qeybgalayaasha in su'aalaha la weydiinayo Cabdullahi Yusuf aan la shaacin karin jawaabaha uu bixiyo, sidaas daraadeed qoraalkan ma sheegi doono cidda weydiisay iyo su'aalahaba, laakin waxaan kusoo koobeynaa arrimaha ugu muhiimsan ee goobta laga sheegay. Arrimihii laga soo jeediyey goobta ayaa ka mid aheyd:
Mar la waydiiyey inuu Maxkamadaha kooxahooda qunyar socodka ah la hadlayo, ayuu gabadhii waydiisay ku yiri “Anigu ma ogi wax qunyar socod ah ee hadii aad adigu ogtahay ii soo gudbi magacyadooda waan la hadlaanaayeâ€. Hadana waxaa la waydiiyey waa ayo dawladaha ka gaabsaday in ay idin taageeraan oo taageerad idiin diiday, markaasuu ninkii su’aasha waydiiyey ku yiri “adigu ma reer Yaman ayaad tahay†markaasuu ku yiri Chatham ayaan ka socdaa, markaasuu ku celiyey ma Yamani baad tahay ayaan ku waydiiyey, markaasu yiri Chatham ayaan ka socdaa, markaasuu C/laahi yiri adeer meesha xoog maahane ii sheeg wadankaad tahay, kolkaasuu ninkii isaga aamusay. C/laahi oo afsoomaali ku hadlayey ayaa turjumaha wuxuu isku dayey inuu hadalka u qurxiyo.
Ruux kaloo Soomaali ah oo waydiiyey su’aal ahayd ma adigaa wadanka xukuma mise Tigreega dadka madaafiicda la dhacaya, xageedse geyseen dadkii Kenya idiin soo dhiibtay, sideedse dawlad ku sheeganaysaa adigi dastuurkii iyo hay’adihii dawlada khilaafay oo Itoobiyaan wadanka soo geliyey. C/laah wuxuu ugu jawaabay ruuxaas adeer ma maxkamadihii ayaad ka tirsantahay, markaasu ku yiri maya, markii dhowjeer hadalkii isku celceliyeen ayuu yiri “ Adeer meesha xoog ma ahe sow ma ogid in London la joogo oo hoygii dimogaraasiyadda ahâ€
Joornaaliste kale oo ajnabi ah ayaa isagoo kasii afeefanaya in haybtiisa la weydiiyo ayaa yiri aniga qabiilkeyuwaa journalist, taasoo loo fasirtay in goobta laga daneynayey in la ogaado shaqsiga qabiilkiisa.
Mar laga shanqariyey idaacadaha la diiday inay si xor ah wax u sheegaan, iyadana goobta wax jawaab ah lagama bixinin. Shaqsiyaad Somali ahaa oo hadlayey waxaa lagu yiri afsoomaali igu su'aala, oo loo fasirtay in la diidanaa in ka soo qeybgalayaasha ay fahmaan su'aasha.
Goobta waxaa ka caddeyd in qoraalkii la soo diyaariyey ee quruxda badnaa ee laga aqriyey goobta iyo jawaabihii su'aalaha inay aad isku buriyeen. porotocolka goobtana aad bey ugu cayaareen wiilashii la socday odayga, oo haddii uu ahaanlahaa madaxweyne dhab ah waxuu ku qasbannaan lahaa inuu jagada ka tuuro. Waxaase muuqatey inay dhammaantood ahaayeen wiilal uu adeer u yahay oo aan lagu soo xulin aqoon xirfadeed
You folks are bunch of haters, leave the old man alone..im pretty sure he doesnt know you haters even exist. By the way he looks like a very polite guy shaking a Ministers hand...THATS ALL!!
Dowladsade, you pronounced to us that he is God to you. If not, what gave you the keen perception that the president is so happy a man to meet the mere British minister of Africa. I have often thought that all the tiny Marehans had peanut sized brains. He is just smiling as most presidents and ministers do. Do you think he is Iidoor who worship the British as if they were their orphans? He is Harti King with long history of fighting the British, Italians, and Ethiopians.
[quote="Broud-SeesTar"]You folks are bunch of haters, leave the old man alone..im pretty sure he doesnt know you haters even exist. By the way he looks like a very polite guy shaking a Ministers hand...THATS ALL!![/quote]
Very polite to the kufars and harsh killer to the somali muslims.