Big war coming in Mogadisho in the next month

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Big war coming in Mogadisho in the next month

Post by Hiiraan boy »

"Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiil badan oo ka tirsanaa ciidankii MMI oo wata ciidamo ay soo galeen Magaalada Muqdisho iyadoo la filayo in magaalada Muqdisho ay noqon doonto meesha dagaalka lagu kala baxo uu ku dhex mari doono Ciidanka MMI &taageerayaashooda iyo ciidamada DF oo kaashanaya ciidanka Itoobiya."

Baydhabo:-Ciidamo aad u farabadan oo Ethiopian ah oo ka soo anbabaxay magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay soo gaareen racii ugu horeeyey Magaalada Afgooye.

Ciidamadaan itoobiyaanka ah ayaa waxaa la socda Ciidan Soomaali ah Kuwaas oo laga soo qaadey xerada Daynuunaay.

Ciidankaan isku dhafan ayaa waxaa ay wataan gawaarida dagaalka oo aad u farabadan iyadoo tiradooda saxda ah aan lahayn,ciidankaan ayaa sida ilo wareedyo ay u sheegeen Shabakada Wararka ee Halgan in ciidamadaan loo diyaarshay inay ka hortagaan taageerayaashii MMI oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho.

Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiil badan oo ka tirsanaa ciidankii MMI oo wata ciidamo ay soo galeen Magaalada Muqdisho iyadoo la filayo in magaalada Muqdisho ay noqon doonto meesha dagaalka lagu kala baxo uu ku dhex mari doono Ciidanka MMI &taageerayaashooda iyo ciidamada DF oo kaashanaya ciidanka Itoobiya.

Saraakiisha MMI ayaa dadaal xooggan ugu jira inay isku habeeyaan ciidamadii Maxkamadaha oo ku kala baahsan Magaalada Muqdisho si ay ugu diyaariyaan inay Dagaal xooggan kala hortagaan Ciidanka Itoobiya iyo Ciidamada Afrikaanka ah ee laga yaabo inay yimaadaan Soomaaliya.

Dhanka DF ayaa bilaabay inay ciidankooda ay iskugu soo aruurshaan Magaalada Muqdisho iyadoo Dowlada Itoobiyana ay soo xushay ciidankeedii Kumaan dowska iyo ciidan tawabar ay soo siiyeen Maraykanka.

Dagaalkaan ayaa waxaa laga yaabaa inuu bilwdo bilaha fooda nagu soo haya iyadoo dadka siyaasada falanqeeyana ay sheegayaan in Magaalada Muqdisho laga yaabo inay noqoto magaalo lagu hardamo waxaan ku guulaysan doona Dagaalka cidii taageero ka hella shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

halgan.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”