Cade Muse donate equipments to Bocame Farmers in SOOL
Posted: Sun Feb 25, 2007 1:06 pm
Gen. Cadde Muuse Oo Markii Ugu Horaysay Deeq Gudoon Siiyay Dadka Reer Boocame
(Laascaanood}22.02-07
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa deeq gudoon siiyay dadka degmada Boocame Deeqdan Madaxweynaha ayaa timid ka dib markii uu madaxweynuhu booqasho kormeer ku tegay gobolka Sool waqti sii horeysey, ...............................................
Gen Cadde Muuse ayaa degmada Boocame u balan qaaday deeq matoorada waraabka ah oo ka koobnayd shan matoor iyo shantoodii tuubo, ka dib markii uu kormeeray beeraha ku yaala degamdaasi Boocame oo ahayd beero ay ka muuqdeen wax soo saar fiican,una baahnaa in ay helaan matooradii lagu waraabin lahaa.
Madaxweynaha ayaa kulankii uu la yeeshay shacabweynaha degmada Boocame ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu ugu deeqay dadka beeraleyda ah oo ah kuwa ugu liita ee aan heli Karin matoorada, halkiina uu labo ka mid ah matoorada kaga dhawaaqay in la siiyo labo qof oo kamid ahaa kuwa ugu liitey dhinaca dhaqaalaha, ugu horraynba labadaasi la siiyo inta kalena inta aan helin Karin loo qaybiyo.
Hadaba keenida matooradan ayey aad ugu farxeen beeralayda deegaankaas kuwaas oo muujiyey in ay ku qanacsan yihin sida loo fuliyey balanqaadkii madaxweynaha.
Guddoonkii ka dib ayaa waxa halkaasi mahadnaq u soo jeediyey qaar ka mid golaha degaanka degmada boocame oo uu ka mid yahay guddomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada iyo Gen Faarax Maxuud Sulaybaan (love casar)
sidoo kale dadka deegaanka ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka puntland Maxamuud Muuse Xirsi, waxay kaloo intaa raaciyeen in muddadii ay Puntland jirtay in ay tahay deeqdii ugu horraysay ee naga soo gaadha,waxaana u rajenayanaa madaxweynaha Caafimaad iyo cimri dheer.
Faysa Cabdi Dhalac.....Widhwidh Online......