Cabdillaahi Yuusuf waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maayo, xaq darro ayaad ku timid xaqna waad ku tegi doontaa.†Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe..
Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul u cambaareeyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Imbigaati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo uu ku sheegay inaanay Somaliland ka go’I Karin Soomaaliya....
Md. Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, isaga oo daba socday waraysi ay BBC-du la yeelatay Cabdillaahi Yuusuf, waxa uu yidhi, “Cabdillaahi Yuusuf waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maayo, xaq darro ayaad ku timid xaqna waad ku tegi doontaa.â€, waxaanu intaas ku daray, “Marka uu leeyahay Somaliland ma go’I karto, waa wax lagu qoslo waana hawo hadalkiisu. Waxaan leeyahay Somaliland iyo Soomaaliya way is yaqaanaan Cabdillaahi Yuusuf-na, Reer ahaan waanu isu naqaanaa ee waxba yaanu ku habsaamin Somaliland.â€
Md. Faysal Waxa uu hambalyo u diray shacbiga Somaliland ee ku kala dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Norway oo uu ku bogaadiyay isu soo baxa ay ku qabteen London iyo Oslo ee ay ku dalbanayeen in Somaliland la siiyo aqoonsi Caalami ah, “Waxaan leeyahay waad naga farxiseen ee Eebe ha idinka farxiyo. Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad muujisaan oo aad halkaas ka sii wadaan midnimada iyo wada jirka aad khamiistii muujiseen. Wadamada aad joogtaana cadaadis ku saara inay aqoonsadaan xaqa aayo ka tashi ee wadanka Somaliland.†Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo tallaabo lagu farxo ku tilmaamay isu soo baxa dadweynuhu ka sameeyeen qurbaha.
muslimamuslimamuslimamuslima
Hadalka Cabdillaahi Yuusuf ee uu Faysal Cali Waraabe cambaareeyay, waxa uu Cabdillaahi Yuusuf ku sheegay waraysi laga sii daayay habeen hore BBC-da waxaanu hadalkaas uu ku yidhi, “Anigan kula hadlaya waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay hal dal tahay oo mid ah. Puntland baan ka imid anigu. Puntland iyo Somaliland-na waa isa saaran yihiin oo waa deris waana isugu key mid aniga, Puntland-na ma go'i karto, Somaliland-na ma go'i karto, aniga ra'yigeyga weeye.
Ra'yiga dadka leh waa go'aynaa, haddee anigu waa maqlayaayoo, waa ujeedaa, waxayse ila tahay sharci iyo nidaam baa lagu go'i karaaye iska go' ma ahan oo khasab ma ahan. Dowladdaan maanta dhisanna kumana talogelin mana rabto in ay dagaal wax ku xallisee, waxay doonaysaa in arrinta Koofur ka socota marka ay xasiliso oo ay dejiso in ay Woqooyiga Soomaaliya dadka ku nool oo walaalahayaga ah ay wada hadal la furto, wax walbana waxaan jecelnahay in lagu dhammeeyo wada hadal iyo siyaasad, ee dagaal in wax lagu raadiyo iyo qori caaraddiis marnaba annagu dooni meyno.â€
Waraabe: AY waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- kkk47
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2261
- Joined: Wed May 04, 2005 9:11 am
- Location: It is my way or the high way no-land but Somaliweyn
- Contact:
Re: Waraabe: AY waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maa
Waraabe is actualy even dumber than Muse Yelaxow
Re: Waraabe: AY waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maa
Cabdillaahi Yuusuf dhanna umasocdo, til he finsh his job, deetana tallo u dhisa. S/L se uma taliyo.
-
Cilmiile
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Re: Waraabe: AY waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maa
Faysal never bothers to engage the brain before opening his mouth.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 1271 Views
-
Last post by JeyR
-
- 19 Replies
- 1927 Views
-
Last post by balwarama
-
- 22 Replies
- 797 Views
-
Last post by Osman-NZ
-
- 0 Replies
- 158 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 18 Replies
- 60 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 1 Replies
- 169 Views
-
Last post by talyaaniman
-
- 5 Replies
- 724 Views
-
Last post by MayDay777
-
- 4 Replies
- 1675 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 3 Replies
- 1859 Views
-
Last post by adanboy
-
- 9 Replies
- 581 Views
-
Last post by Babygirl-
