Page 1 of 1

Degmooyinka Cadaado,Cabuudwaaq Gudoomiye Majeerteen Ah.

Posted: Fri Mar 02, 2007 9:53 am
by Lacageylacag
Wararka ka imaanaya Somaliya ayaa sheegaya in dhowr degmo oo ku yaala gobolka Galgaduud loo magacaabay gudoomiyeyaal aan u dhalan dagaanadaas. Qaybinta awooda xukunka dalka ayaa beryahan dambe ahayd mid ku dhisan aargoosi qabiil, waxaase inta badan ay ahayd jago meel cidla ah laga magacaabay oo aan wadan awood maamul oo gacanta ku dhigtay gobolada dalka.

Waxa horay loogu magacaabay degaanka Caabudwaaq gudoomiya kasoo jeeda Puntland oo qabiilkisu yahay Majeerteen, hadana waxa la magacaabay laba gudoomiye oo cusub. Gudoomiyaha hore waxa loo magacaabay degmada Cadaado, wuxuna u dhashay beesha Majeerteen, halka gudoomiyaha labaad ee loo magacaabay Dhuusamareebna uu u dhashay beesha Mareexaan. Qaabka noocaan oo kala ah ayaa u muuqda mid lagu hurinayo dagaal hor leh oo dhex mara beelaha Somaliyed, mana aha sida dadka intiisa badan ay u arkaan qabiil raba inuu maamulo Somalida inteeda kale. Waayo haddii ay dhab ka tahay lataliyayaasha C/lahi Yusuf inay rabaan inay dalka oo dhan maamulaan iyagu, ugu yaraan waxay la sugi lahaayeen marka ay gacanta usoo gasho awooda dalku oo ay siday doonaan ka yeeli karaan markaas. Waxayse u muuqataa dowladda C/lahi Yusuf mid ku salaysan maahmaahdii ahayd Ayax Tag Eelna Reeb, wuxuna damacsan yahay sidii Max'ed Siyaad inuu ka tago qabaa'il is dirirta oo mar kale umulaha iska dooxda.

Re: Degmooyinka Cadaado,Cabuudwaaq Gudoomiye Majeerteen Ah.

Posted: Fri Mar 02, 2007 9:58 am
by eyes-only
Laughing

waa iska caadiyos