Bishan Feb 2, 2007, baa Qaxootiga Majeerteen oo kunool dalka Ingiriiska iyo shaqsiyaad reero kale ah balse iyaga madiidin u ah baa waxay soo hordhoobteen aqalka Bush House oo xaruunta u ah Idaacadda Caalamigaa ee BBC iyagoo ka calaacalaya islamarkaasna xagxaganaya Madaxa Laanta Afsoomaaliga ee BBCda Yusuf Garaad Omar.
Qaxootiga Majeerteen oo u badnaa dumar, caruur, dameeri dhaan raacday iyo Ciroole qabyaaladi maan rogtay ayaan ka badneyn boqol axad oo aan tayo iyo dadnimo Soomaalinimo aan lahayn waayo hadafkoodu wuxuu ku salaysnaa oo kaliyah( qabyaalad qaawan, xasadnimo, been abuur iyo kaligey aan noolaado).
Sida lawada ogsoonyahay Idaacadda Afka Soomaaliga ee BBCda waxay dowladda Ingiriisku furtay sanadkii 1953 waana Idaacad ku socota siyaasadda, himilada, dhaqanka iyo shuruucda dalka Boqortooyada Ingiriiska dadka Soomaalidaa ee ka shaqeeyaana waxay raacaan nidaam iyo sharci u degsan BBCda mana sameyn karaan ama ma weecin karaan nidaamka iyo habraaca u degsan BBCda. Waxaa waliba intaas sii dheer in hawsha iyo barnaamijyada ka baxaya Idaacadda ay ku socdaan hab wada tashi ah ( collective decision) oo uusan Madaxa ama Tafaftiraha Laantu lahayn awood uu kaligiis wax ku meelmariyo.
Haddaba intii ay jirtay Laanta Afkasoomaaliga ee BBCda taariikhdeeda, waa markii labaad oo lagu banaan baxo si qabyaalad iyo sariig daraa Wariye Caan ah oo u shaqeeya Laanta afkasoomaaliga ee BBCda. Ugu horayntii waxaa Yusuf Garaad ku banaan baxay shaqsiyaad kasoo jeeday qabiilka Isaaqa dhowr sano kahor kuwaasoo been lasoo hor-istaagay aqalka Bush House ee BBCda balse maamulka sare ee BBCdu ku qosleen Isaaqii Yusuf Garaad ka calaacalayay waayo madaxda BBCdu ma fahmin waxa dadkaasu ka cabanayeen oo aan ahayn in aysan ra'yi ka haysan sida BBCdu u shaqayso !
Marankanna waxaa banaan bax qabyaaladeed oo xishood daraa soo abaabulay Qaxootiga Majeerteen ee UK iyagoo Yusuf Garaad ku eedeeyay ama ku tilmaamay in uu yahay (warlord Habargidir ah oo ka haray warlord-yadii Hawiye) sidaas daraadeedna uu mudan yahay in laga cayriyo BBCda.
Waxaa fadeexo weyn ah oo ka soo horjeeda anshaxa toosan, dhaqanka suuban iyo Soomaalinimada in Qabiil ahaan loo raadsado loona dacweeyo shaqsi Soomaali ah sida Yusuf Garaad oo u shaqeeya Idaacad Shisheeye islamarkaasna lagu soo oogo dambiyo been ah ama eex uusan sameynin.
Hadda kahor waxaa jirtay in dacwo ay kusoo oogeen Yusuf Garaad shaqsiyaad BBCda laga cayriyay oo ay hormood u ahaayeen shaqsiyaad darood ahi iyagoo ku eedeeyay Yusuf Garad in uu ku kacay falal ah eex, masuq maasuq iwm laakiin markii dacwadii la horgeeyay Maxkamad Sare oo London ku taal, arrintu waxay ku dhammaatay iyadoo Maxkamaddii ii bariyeeshay ama dambi ku wayday Yusuf Garaad, dabeedna kuwii soo dacweeyay ay ku fashilmeen dacwo qabyaaladeedkii ay kusoo oogeen Yusuf Garad. Waxaa xusid mudan in shaqsiyaadkii Yusuf dacwada kusoo oogay ay marqaati u keensadeen Professor I.M.Lewis oo ah nin asalkiisu yuhuud ah oo afsoomaaliga sifiican ugu hadla laakiin waxaa nasiib wanaag ahayd in Professor Abdi Ismail Samatar uu kasoo duulay dalka Maraynkanka kagadaal markuu maqlay in Professor Lewis uu dacwada kamid yahay halkaasoo ceebweyni ka raacday professor Lewis kadib kolkii Maxkamadu fahmiwayday sababta Professor Lewis soo dhexgalisay dacwada Yusuf Garaad !
Gunaad
-----------
Oloolaha ay Qaxootiga Majeerteen iyo burcadda tfg ku hayaan Yusuf Garaad waamid waxshnimo ah oo qabyaalad qaawan ah waana mid lagula xisaabtami doono Insha Allah. Laanta Afkasoomaaliga ee BBCdu ma ahan gole Majeerteen ama tu Isaaq ee waa gole ay u siman yihiin dadka Soomaaliyeed. Teeda kale shaqaalaha hadda ka shaqeeya BBCda ee Soomaaliga waxaa ugu badan Daarood iyo Isaaq kolka maxaa lagu maagayaa Yusuf Garaad oo kartidiisa iyo aqoontiisa ku jooga BBCda.
Oday Soomaaliyeed baa laga hayaa murtidan (War Maandhow waxaan Ahay Nin Gob Ah OO Guni Rifaysaaye). Waa wax wanaagsan in Soomaalidu sifiican isku barato !
Kaarshe Majiid (Kaligii Jabhad)
http://mudugnet.com/Aragtida/2007/Feb/0 ... erteen.htm
Mudugnet have a Hilarious readers
