Saraakiisha Ethiopia Oo La Shiray Waxgarad Hawiye...
Posted: Thu Mar 08, 2007 1:21 pm
axaa maalintii shalay ka dhacay guri ku yaala daarta 6 biyaano ee magaalada Muqdisho kulaan balaaran oo qado sharaf ah oo ay soo diyaariyeen Saraakiisha Wasaaradda Gaashandhigga ee Ethiopia, ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, hogaamiyeyaashii hore ee dagaalka, iyo odayaal iyo waxgarad u badan beelaha Hawiye iyo saraakiisha ugu sareysa ciidamda Ethiopia ee ku sugan Muqdisho...
Kulankaan oo looga arrinsanaayay xaalka Caasimada iyo ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee dhowaan la filaayo, ayaa xubnaha ka qeyb galay ay ka mid ahaayeen Gen.Gabra Dila Abaandulaha Ciidamada Ethiopia ee Muqdisho, xildhibaanada kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Finish, Wakiilka Ugaaka Beesha Ceyr Ugaas Cabdi Daahir, Gudoomiyaha Gudiga Beesha Ceyr Dr.Maxamed Maxmauud Culusow, Col.Cabdi Qeybdiid, duqa magaalada Cadde Gaaboow iyo ku-xigeenkiisa Ibrahim Shaaweey,iyo xubno kale ayaa waxay si cad ugu sheegeen iney taageersan yihiin Baaqii ay hore u soo saareen beesha Hawiye, iyo sidii kale weerarada madaafiicada ee Ciidamada Ethiopia ay la beegsadaan goobaha rayidka ah,waxaana la sheegay in saraakiisha Ethiopia ay garowsadeen arrintaasi, warar hoose oo laga helayo ayaa tibaaxaya in saraakiisha Ethiopianku ay odayaasha iyo waxgaradkii kulanka ka soo qeyb galay ku war geliyeen inay dhowaan dalka ka baxayaan ayna waajibkoodii guteen. Maxamed Qanyare Afrax ayaa halkaa ka jediyey khudbad xasaasi ah asaga oo dhinacna ka taageerey go’aankii odayaasha dhaqanka hawiye ku gaareen magaalada Muqdisho ayaa haddana dhanka kale ka codsaday Saraakiishaasi in aysan dalka ka bixin tan iyo inta la helayo ciidamo awood leh oo la wareega amniga magaalada, waxaana la sheegay arrintani ay buuq ka dhalisay kulankii xubnihii ka qeyb galay oo qaarkood ay ku gacan seyreen eryada ay qaarkood oo ay sheegeen ineysan ku qanacsaneyn, inkastoo uu sheegay nin gurigiisa ka hababaay uusan wakiil ka noqon karin beeshiisa, wuxuuna si gaar u xasuusiyay Saraakiisha Ethiopia iyo Ergada kale iney Dowlada hareer martay awood qeybsiga 4.5, wuxuuna iska fogeeyay abaabulka shirkii Hawiye isla markaasna uu aad u taageeray go-aanki ay gaareen, wuxuuna sheegay in Hawiya laga doonayo iney iska fogeeyaan argagixisada xalna ka gaaraan xaalada caasimada, sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Ethiopia iney la safatay beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.