Bahweynta Hawiye ee ku dhaqan North Amerika oo taageeray baaqii ay beelaha Hawiye ka soo saareen magaalada Muqdisho
Ku: Dhammaan Bahweynta hawiye ee ku nool wadanka Gudihiisa.
Ujeeddo: Taageerida Baaqii ay soo saareen bahweynta Hawiye.
1. Hordhac
Ka dib 16-sano oo dowlad la’aan iyo fowdo baahday uu dalku ku jiray marka laga reebo 6dii-bilood ee ay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed (GMIS) ku soo celiyeen kala-dambeyn iyo amni dalka intiisa badan, ayaa dawladii federaalka ahyd oo kaashanaysa cadowga Ummada soomaaliyeed ee Eithopia ay ku qabsatay wadanka isla markaana la waayey nabadii iyo kala danbayntii shacabku hore u helay.
Kadib markii la arkay qorshaha indho la’aanta ah ee ay ku shaqaynayso dawlada federaalka ah ayaa waxaa shir isugu yimid markay taariikhdu ahayd March7, 2007, Ugaasyada-dhaqanka, Imaamyada, aqoonyahanda, culumaa’ udiinka, siyaasiyiinta, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada bahweynta hawiye, kuwaas oo soo saaray bayaan wax-tar u leh ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Hadaba hadii aanu nahay Aqoonyahanada, Culumaa’udiinka, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka beelweynta hawiye ee ku nool North America gaar ahaan wadanka Canada, waxaanu taagersanahay Go’aankii wax ku oolka ahaa ee ay gaareen bahweynta hawiye, waxaanuna ugu hanbalyaynaynaa sida geesinimada leh ee aad u qaadateen go’aankaas, waana waajib in bahweynta hawiye difaacaan diinta, dalka iyo sharafta bahweynta hawiye.
Hadaba hadii aanu nahay Bahweynta hawiye ee ku nool wadanka Canada, waxaanu diyaar u nahay oo aanu idinla garab taaganahay in aan idinla qaybsano dhib iyo dheef waxaan idinku taageeraynaa in midnimada bahweynta Hawiye ay tahay muqadas inta xaalada wadanku iska bedelayo.
Waxaanu idinkugu baaqaynaa in aad ka hor tagtaan cid alaale cidii wax u dhimaysa midnimada bahweynta hawiye.
Waxaanu Ilaahay ka baryaynaa in uu ummada soomaaliyeed ku mideeyo sidii ay diintooda, dalkooda iyo weliba dadkooda uga saari lahaayeen Duliga iyo gumaysiga qaawan ee Eithopia.
Maxamed Cali Shirwac
shirwac@ceelbuurnet.com
Hawiye North Amerika oo taageeray baaqi Hawiye ka soo saaree
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1209 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 0 Replies
- 579 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 14 Replies
- 3109 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 4 Replies
- 1129 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 13 Replies
- 2210 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 32 Replies
- 1565 Views
-
Last post by original dervish